Thursday, July 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo Markab taagan badweynta Soomaaliya kula kulmay Wafti ka Socda Midowga Yurub+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo Markab taagan badweynta Soomaaliya kula kulmay Wafti ka Socda Midowga Yurub+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda federaalka Soomaali​ya Muddane Mahdi Mohamed Gulleid (Khadar) )ayaa maanta booqday markab ay leeyihiin ciidamada Talyaaniga ee qaybta ka ah howlgalka Atlanta ee  Midowga yurub , kaasi oo ka ilaaliya xeebaha Soomaaliya Burcad-badeeda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa  halkaasi kula kulmay wafti ka socda Midowga Yurub iyo Taliyaha Guud ee hawlgalka ATLANTA ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya, waxaana kullanka diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka wada shaqeyn iyo iskaashi oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub, iyo la dagaalanka Burcad badeeda.

Related posts

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

July 8, 2026
IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

July 8, 2026

Muddane Khadar, ra’iisalwasaare ku xigeenka dalka ayaa midowga Yurub ku boogaadiyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, isagoona sheegay in midowga Yurub ay ka codsadeen xoojinta iyo dar dargelinta howlaha loogu hortagayo kaluumeyiga sharci darada ah ee ka dhacay biyaha Soomaaliya

”Wefti ka socda midowga Yurub oo uu weheliyo Taliyaha Guud ee hawlgalka ATLANTA  ee la dagaalanka Budhcad-baddeedka; ayaanu shir kuwada yeelanay Markab taagan Biyaha Badweynta Soomaaliya. Markabkaasi oo kamid ah Maraakiibta Budhcadda ka ilaaliya biyaha Caalamiga. Weftigaasi waxaanu kawada hadalay  arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka wada shaqayneed iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub iyo siddii hawlgalada Burcad-baddeedku si wadajir ah looga gaari lahaa hadafka laga leeyahay oo ah siddii maraakiibta dunidu ugu kala gooshi lahayd warwar la’aan iyo nabad-qab” ayuu yidhi Ra’iisalwasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Mohamed Gulleid.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida dawladda Djibouti “Sawirro”

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka oo uga warbixiyey Guddiga Arrimaha Gudaha Golaha Aqalka Sare qorshe hawlleedka Maamulka Gobolka Benaadir

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka oo uga warbixiyey Guddiga Arrimaha Gudaha Golaha Aqalka Sare qorshe hawlleedka Maamulka Gobolka Benaadir

Guddoomiyaha Gobolka oo uga warbixiyey Guddiga Arrimaha Gudaha Golaha Aqalka Sare qorshe hawlleedka Maamulka Gobolka Benaadir

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

July 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa xaflad abaalmarin iyo maamuus ah u qabtay haldooradii...

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

July 8, 2026
0

Urur-goboleedka Iskaashiga Horumarinta Bariga Afrika (IGAD) ayaa Arbacadii sii xoojiyey dadaallada uu ku taageerayo Soomaaliya sidii loo dardargelin lahaa ansixinta...

DAAWO SAWIRRADA: Howlgalkii Ciidanka Ay Kula Wareegeen Kuntuwaareey Iyo Carruur Ay Soo Furteen

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 8, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Jubbaland, ayaa waaberigii maanta howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

July 8, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In