Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida dawladda Djibouti “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida dawladda Djibouti “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo ay wehliyaan Taliyaha hoggaanka baarista Dambiyada ee C.I.D S/guuto Saciid Axmed Kediye, Taliyaha hoggaanka Canshuuraha Ciidanka Booliska S/guuto Cabdullaahi Xasan Bariise iyo saraakiil kale, ayaa la kulmay Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Djibouti S/guud Zakariye Shiikh Ibraahim iyo Madax sare oo ka tirsan Dawladdaasi.

Madaxdaasi, ayaa isla soo qaaday qodobo badan oo ku quseeya labada dhinac, waxaana si gaar ah looga hadlay Xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada Talis iyo siddii looga wada shaqeyn lahaa Ammaanka guud ee labada dal.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa warbixin ku saabsan Xaaladda amni ee Soomaaliya siiyey Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Djibouti, isaggoo xusay in isabadal weyn lagu sameeyey  howlaha Nabad gelyo ee dalka, waxaana  Dawladda Djibouti uu uga mahad celiyey sida mar walbo ay u garab taagan tahay Soomaaliya.

S/guud Zakariye Shiikh Ibraahim, Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Djibouti, ayaa Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku ammaanay shaqada adag ee ay hayaan, isaggoo tilmaamay in Dawladda aan Walaalaha nahay ee  Djibouti mar walbo ay diyaar u tahay garab istaaga iyo Caawinta Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo Daah-furay mashruuca qiimeynta bulaacadaha Caasimadda+Sawirro

Next Post

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo Markab taagan badweynta Soomaaliya kula kulmay Wafti ka Socda Midowga Yurub+Sawirro

Next Post
Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo Markab taagan badweynta Soomaaliya kula kulmay Wafti ka Socda Midowga Yurub+Sawirro

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo Markab taagan badweynta Soomaaliya kula kulmay Wafti ka Socda Midowga Yurub+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In