Ra’iisul wasaaraha dalka Lubnaan Najib Mikati, ayaa booqasho rasmi ah ku tagi doona dalka Turkiga sida ay sheegtay Agaasinka waaxda isgaarsiinta ee dalkaasi Lubnaan.
Booqashadan ayaa imaanaysa ka dib casuumaad uu ka helay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, iyadoo laga wada hadli doono xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.
Horumarradii ugu dambeeyay ee Bariga Mediterranean-ka iyo Bariga Dhexe, iyo arrimaha caalamiga ah ayaa sidoo kale laga doodi doonaa,sida lagu xusay warbixinta.