Thursday, March 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Djibouti oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Djibouti oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Djibouti, Arbaco 11 March 2015 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Djibouti, waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Mudane Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha dalka Djibouti iyo Mudane Cabdulqadir Kamil Maxamed  Ra’isul Wasaaraha dalka iyadoo laga wada hadlay adkaynta xiriirka iyo iskaashiga walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.

Wafdiga Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdisalaan hadliye Cumar, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Cali Axmed Jaamac Jaangali, Wasiiru-dawlaha Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mas’uuliyiin kale. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay dalka Djibouti taageerada joogtada ah ee mar walba ay la garab taagan tahay Soomaaliya iyo ciidamada Djibouti ee AMISOM oo gacan muuqata ka gaysta sugidda amniga dalka Soomaaliya.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

March 19, 2026
Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

March 19, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Djibouti oo yeeshay kulan dheer oo qaatay labo saacadood ayaa Ra’isul Wasaaruhu waxaa uu warbixin guud ka siiyay Madaxweynaha Djibouti xaaladda guud ee Soomaaliya iyo qorshaha dawladda ee hiigsiga 2016-ka, kuwaasi oo ay kamid yihiin tababarka ciidanka, dib-u-heshiisiinta, dar-dargalinta shuruucda, dhamaystirka maamuladda goboleedyada, magacaabista guddiyada laf-dhabarka u ah in doorasho ay dalka ka dhaco iyo howlgalinta kuwa hadda jira.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu yiri:

“Waxaan marka hore ka mahad celinayaa soo dhoweynta diirran ee aniga iyo wafdigayga aan la kulannay, Madaxweynaha Djibouti waxaan ka wada hadallay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee aan wadaagno iyo adkaynta iskaashiga noo dhexeeya ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo ganacsiga labada dal oo mar haddii aan wadaagno waxyaabo badan oo muhiim u ah shacabkeena.

Waxaan uga mahadcelinayaa dawladda Djibouti taageerada kala duwan ee Soomaaliya ay u fidisay oo sugidda amnigu ay qayb ka tahay iyo sida ay xilli kasta diyaarka ugu tahay in ay gacan buuxda ka gaysato xasilooni buuxda oo ka dhalata Soomaaliya iyo dhismaha haya’adaha dawladda. Waxaana Djibouti ay gacan ka gaysan doontaa sidii aan ku gaari lahayn hiigsiga 2016-ka.”

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa inta uu joogo Djibouti waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda kale ee dalka isla markaana waxaa uu booqan doonaa dakadda Djibouti iyo goobo kale oo muhiim ah.

—DHAMAAD—

GEELE HADLIYE JAANGALI SHARMARKE vlcsnap-2015-03-11-16h34m51s207 vlcsnap-2015-03-11-16h35m03s73

Previous Post

Maareeye: “Mareykanka waxey horumarinayaan warbaahinta Soomaaliya.”

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo daahfuray Mashruuca lagu dayactirayo wadada isku-xirta Garoowe iyo Gaalkacyo ”SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo daahfuray Mashruuca lagu dayactirayo wadada isku-xirta Garoowe iyo Gaalkacyo ”SAWIRRO”

Madaxweynaha Puntland oo daahfuray Mashruuca lagu dayactirayo wadada isku-xirta Garoowe iyo Gaalkacyo ”SAWIRRO”

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

March 19, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer shaqo ugu tegay cutubyo ka tirsan ciidamada oo ku sugan...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed....

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In