Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub, kuwaas oo uu hoggaaminayay General Seán Clancy, Guddoomiyaha Golaha Ciidanka Xoogga ee Midowga Yurub (CEUMC).
Wafdiga waxaa sidoo kale ka mid ahaa Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro, iyo Madaxa Qaybta Bariga Afrika ee Adeegga Arrimaha Dibadda Midowga Yurub (EEAS), Mudane Jonas Jonsson.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Midowga Yurub iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan taageerada Midowga Yurub ee dhinacyada amniga, la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah iyo xasillinta guud ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga la wadaagay dadaallada dowladda ee dib-u-xoraynta deegaannada ay ku sugan yihiin kooxaha Khawaarijta ah iyo xaqiijinta amniga.










