Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo saacado kadib ku wajahan magaalada Laascaanood

Idman Yahye by Idman Yahye
10 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo saacado kadib ku wajahan magaalada Laascaanood
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):Β Waxaa maanta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ku wajahan Ra’uusul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweyn doono.

Safarkan magaalada Laascaanood uu maanta ku tagayo raysul wasaare Xamse, ayaa ah mid taariikhi ah, sidoo kalena ah safarkii ugu horreeyay ee magaalada Laascaanood ku tagayo, masuulkii ugu sarreeyay ee ka socda dawldda dhexe ee dalka.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Magaalada Laascaanood ayaa maalmahan iyo saacadihii u dambeeyayba waxaa si weyn looga dareemayay, u diyaar garowga ra’iisul wasaaraha iyo xubnaha wafdigiisa ah ee maanta ka ambabaxay, garoonka Aadan Cadde International ee Muqdisho. Xubnaha wafdiga ah ee ra’iisul wasaare Xamse safarka ku wehliya ayaa waxaa ka mid ah, wasiirrada arrimaha dibada, iyo kan gudaha, xildhibaanno iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale halkaasi ku sugan, saxaafadda qaybaheeda kala duwan, oo ay ka mid yihiin wariyeyaasha warbaahinta qaranka, kuwaas oo halkaa toos uga soo tebinaya wararka ku saabsan safarka ra’iisul wasaare Xamse.

Shacab iyo masuuliyiin aad u tiro badan, kuwaas oo calanka Soomaaliya iyo caleemo ruxaya ayaa ku sugan garoonka, iyo jidadka waaweyn ee magaalada Laascaanood, iyadoo la joojiyay isku socodka gaadiidka magaalada, aminiga si weyn loo sugay.

Previous Post

π—₯π—”β€™π—œπ—œπ—¦π—¨π—Ÿ π—ͺ𝗔𝗦𝗔𝗔π—₯π—˜ 𝗫𝗔𝗠𝗦𝗔 𝗒𝗒 π—¨π—šπ—¨ π—›π—”π— π—•π—”π—Ÿπ—¬π—˜π—˜π—¬π—˜π—¬ π—–π—œπ—œπ——π—”π—‘π—žπ—” π—«π—’π—’π—šπ—šπ—” π——π—”π—Ÿπ—žπ—” π—¦π—’π—’π— π—”π—”π—Ÿπ—œπ—¬π—˜π—˜π—— 𝗦𝗔𝗑𝗔𝗗 π—šπ—¨π—¨π—₯𝗔𝗗𝗔 𝟲𝟱-𝗔𝗔𝗗.

Next Post

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO CIIDAMADA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY SANADGUURADA 65-AAD.

Next Post
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO CIIDAMADA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY SANADGUURADA 65-AAD.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO CIIDAMADA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY SANADGUURADA 65-AAD.

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In