Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo saacado kadib ku wajahan magaalada Laascaanood

Idman Yahye by Idman Yahye
12 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo saacado kadib ku wajahan magaalada Laascaanood
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD): Waxaa maanta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ku wajahan Ra’uusul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweyn doono.

Safarkan magaalada Laascaanood uu maanta ku tagayo raysul wasaare Xamse, ayaa ah mid taariikhi ah, sidoo kalena ah safarkii ugu horreeyay ee magaalada Laascaanood ku tagayo, masuulkii ugu sarreeyay ee ka socda dawldda dhexe ee dalka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026

Magaalada Laascaanood ayaa maalmahan iyo saacadihii u dambeeyayba waxaa si weyn looga dareemayay, u diyaar garowga ra’iisul wasaaraha iyo xubnaha wafdigiisa ah ee maanta ka ambabaxay, garoonka Aadan Cadde International ee Muqdisho. Xubnaha wafdiga ah ee ra’iisul wasaare Xamse safarka ku wehliya ayaa waxaa ka mid ah, wasiirrada arrimaha dibada, iyo kan gudaha, xildhibaanno iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale halkaasi ku sugan, saxaafadda qaybaheeda kala duwan, oo ay ka mid yihiin wariyeyaasha warbaahinta qaranka, kuwaas oo halkaa toos uga soo tebinaya wararka ku saabsan safarka ra’iisul wasaare Xamse.

Shacab iyo masuuliyiin aad u tiro badan, kuwaas oo calanka Soomaaliya iyo caleemo ruxaya ayaa ku sugan garoonka, iyo jidadka waaweyn ee magaalada Laascaanood, iyadoo la joojiyay isku socodka gaadiidka magaalada, aminiga si weyn loo sugay.

Previous Post

𝗥𝗔’𝗜𝗜𝗦𝗨𝗟 𝗪𝗔𝗦𝗔𝗔𝗥𝗘 𝗫𝗔𝗠𝗦𝗔 𝗢𝗢 𝗨𝗚𝗨 𝗛𝗔𝗠𝗕𝗔𝗟𝗬𝗘𝗘𝗬𝗘𝗬 𝗖𝗜𝗜𝗗𝗔𝗡𝗞𝗔 𝗫𝗢𝗢𝗚𝗚𝗔 𝗗𝗔𝗟𝗞𝗔 𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗬𝗘𝗘𝗗 𝗦𝗔𝗡𝗔𝗗 𝗚𝗨𝗨𝗥𝗔𝗗𝗔 𝟲𝟱-𝗔𝗔𝗗.

Next Post

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO CIIDAMADA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY SANADGUURADA 65-AAD.

Next Post
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO CIIDAMADA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY SANADGUURADA 65-AAD.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO CIIDAMADA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY SANADGUURADA 65-AAD.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay si diirran u...

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

April 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo uu...

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

April 8, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa la kulmay Mudane Raisedon Zenenga, Ku simaha Madaxa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In