Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Dhagax-Dhigay Xaruntii Wasaaradda Waxbarashada Dalka

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
4 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Dhagax-Dhigay Xaruntii Wasaaradda Waxbarashada Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay xaruntii Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, taasi oo laga hirgelinayo dhisme casri ah oo qeyb ka qaadan doona horumarinta deegga Waxbarasho ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dib-u-dhiska xarunta Wasaaradda Waxbarashada dalka ay muujinayso dadaalka dowladda ee ku aaddan tayeynta adeegyada bulshada iyo barbaarinta Ubadka Soomaaliyeed, maadaama ay wasaaraddani ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee dowladda.

Related posts

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026

“Xukuumadda DanQaran waxa ay dadaal badan gelisay tayeynta waxbarashada dalka iyo casriyeynta dhammaan nidaamyada waxbarashada bilow ilaa dhammaad, waxaa la dhisay Guddiga Tacliinta Sare si loo helo waxbarasho jaamacadeed oo horumarsan, Waxaana naga go’an in ubadkeennu helaan aqoon iyo xirfad tayo sare leh”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

“Wasaaraddaan Waxaa ay ka mid tahay Wasaaradaha ugu muhiimsan dalka, maadaama ay maamuleyso wixii ugu muhiimsanaa ee dalkani uu lahaa oo ah ubadka, dhallinyarada doonaya in ay wax bartaan dowladda waxaa ay ku leeyihiin waa in ay hagaajiso goobihii ay wax ku baran lahaayeen”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada dalka dadaalkooda ku aaddan horumarinta adeegga waxbarasho ee dalka, ilaalinta xogta ardayga iyo casriyeynta nidaamka tacliinta.

 

 

Previous Post

Wasiirka wasaaradda Isgaarsiinta XFS oo ka qayb galay shir muhiim ah

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dib-U -Dhis Ku Sameeyay Buundooyin Ay Khawaarijtu Ku Burburiyeen Gobolka Shabellaha Hoose

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dib-U -Dhis Ku Sameeyay Buundooyin Ay Khawaarijtu Ku Burburiyeen Gobolka Shabellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dib-U -Dhis Ku Sameeyay Buundooyin Ay Khawaarijtu Ku Burburiyeen Gobolka Shabellaha Hoose

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone...

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Mudane...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

January 12, 2026
0

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In