Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac iyo Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka Baarlamanka JFS ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Qaran ee hawlgallada gurmadka deg-degga ah (NEOC) ee hay’adda maareynta musiibooyinka.
Ra’iisul Wasaare Saalax ayaa kormeeray sida ay hawsha gurmadka u socto, isaga oo kormeeray qaybaha kala duwan ee xarunta NEOC , waxaana xaruntaan soo dhaweeyn ugu sameeyey guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabbdulle.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa soo kormeeray qaybaha kal duwan ee ka koobantay xarunta Qaran ee hawlgalada gurmadka degdega ee NEOC oo ay ka shaqeeynayaan howlwadeenada kal duwan ee hay’adda SoDMA.
Mudane Saalax iyo xubnaha la socday ayaa warbixinnada ugu danbeeyay ka dhageeystay agaasinka xarunta NEOC, saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoog leh oo ka da’ay gobollada dalka oo marba markii ka danbeeysa sii siyaadeeyso saameeynta uu yeelanayo xaaladda roobab da’ay.
Hay’adda SoDMA ayaa diyaarisay Shan Doomood oo qayb ka noqon doona gurmadka Dadka ku xaniman Fatahaada, duuman kan ayaa la gaarsiin doonaa deegaanada ugu nugul ay Fatahaada saameeysay.
Mudane Saalax ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada inay taageeraan dadka Soomaaliyeed ee dhibku gaaray ee ku nool gobollada Gedo, Bakool, Baay iyo qabyo kamid ah gobolada kale ee dalka.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in baahi weyn maanta loo qabo ganacsatada diyaradaha, loona baahanyahay in gurmadkaan ka qayb qataan.