Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo shaaciyay in la dhamaystirayo sharciga lagu joojinayo tacadiyada loo gaysto Haweenka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo shaaciyay in la dhamaystirayo sharciga lagu joojinayo tacadiyada loo gaysto Haweenka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, July 25, 2018โ€“ Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo hadal kooban ka jeediyay gebagebadii aqoon iswaydaarsi ku saabsanaa joojinta gudniinka gabdhaha ayaa soo jeediyay in meel looga soo wada jeesto ciribtirka dhaqanka haraadiga ah ee haweenka Soomaaliyeed u gaysta dhaawacyada Muuqda iyo kuwa dhanka maskaxda ah.

Related posts

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

October 13, 2025
Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay ka go’antahay in la badbaadiyo gabdhaha iyo hooyooyinka Soomaaliyeed qorshuha xukuumnadduna yahay in si deg deg ah loo dhamaystiro shuruucda iyo siyaasadda looga hor tegayo xad-gudubyada iyo ficillada haraadiga ah ee dhibaataynaya bulshada gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed.

“Lama aqbali karo in uu sii jiro gudniinka fircooniga ah. Innaga ayaa ka gaabinnay wax ka qabashada dhaqanka haraadiga ah ee tacadiyada nagu haya, waana hawl inoo wada taalla ka wacyi gelinta bulshada si loo cirib jaro gudniinka Gabdhaha, dhinacna uga soo wada jeesanno”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya.

Ifraax Axmed, aasaasaha Mu’asasada Ifraax (Ifah Foundation) oo aqoon is-waydaarsiga soo qaban-qaabisay ayaa sheegtay in sababta tababarka ay ugu doorteen culimada iyo warbaahinta ay ahayd in ay ka abbaaraan bulshada meesha ugu mihiimsan ee fududayn karta wacyi gelinta si bulshada loogu baraarujiyo dhibaatooyinka laga dhaxlo gudniinka gabdhaha.

War-murtiyeed laga soo saaray tababarka ayaa lagu sheegay in looga dooday Sidii Soomaaliya looga joojin lahaa xadgudubyada Gudniinta, Sidii saxaafaddu u dardargalin karto kobcinta wacyiga dadka Soomaaliyeed ee ku aadan joojinta Gudniinka guud ahaan iyo Sameynta guddi culumaaโ€™udiin oo si gaar ah xooga u saari doona joojinta gudniinka gabdhaha.

Tababarka oo loo qabtay xubna ka kala socda bahda warbaahinta iyo culimada oo ka yimid dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah dawladda federaalka Soomaaliya iyo gobalka Banaadir ayaa waxa ka qayb galayaashu ugu baaqeen dawladda Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga in ay qayb xooggan ka qaataan ololaha ka dhanka ah gudniinka gabdhaha Soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—-

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay shir ku saabsan Manhajka wacyigelinta Doorashada “SAWIRRO”

Next Post

AKHRISO:- Wasaaradda Waxbarashadda XFS oo Shaacisay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga dugsiyada sare ee sanad dugsiyeedka 2017-2018

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay dadaalka lagu dhex dhexaadinayo Soomaaliya iyo Imaaraadka.

AKHRISO:- Wasaaradda Waxbarashadda XFS oo Shaacisay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga dugsiyada sare ee sanad dugsiyeedka 2017-2018

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

October 13, 2025
0

Hayโ€™adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In