Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xafiiska la wareegay.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu warbixiyay socdaalkii uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta iyo habsami u socodka howlaha Xukuumadda .
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar maalmo qaatayo oo uu ku tagay Dalka Imaaraadka Carabta .