Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waxaa naga go’an in aan la noolaano bulshadeenna, aanna ka jawaabno su’aalahooda”

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse “Waxaa naga go’an in aan la noolaano bulshadeenna, aanna ka jawaabno su’aalahooda”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddu ay yeelanayso dhaqanka ah in xilku yahay mas’uuliyad ee uusan ahayn meel la isku sharfo, isagoo intaa raaciyay in isla xisaabtanku uusan madashan ku ekaan balse uu socon doono.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre””Waxaa naga go’an in aan la noolaano bulshadeenna, sidoo kalena ka jawaabno su’aalahooda, dhageysanno taladooda, tusaalahooda iyo toosintooda”

Related posts

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026

Ra’iisul wasaaraha XFS, mudane, Xamse Cabdi barre oo ka hadlayay munaasabad lagu soo Bandhigay Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ayaa xusay qaar ka mid ah wax qabadkii xukuumaddiisa tan iyo intii la magacaabay, iyadoo waxyaabihii uu dul istaagay ay ka mid ahaayeen amniga, abaaraha iyo deyn cafinta.

Xamse Cabdi Barre Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa sheegay in xilligii uu xafiisku qabtay ay Soomaaliya ka taagnayd abaar ba’an, iaydoo dad ku dhow 7.5 milyan ay qarka saarnaayeen macaluul, wuxuuna sheegay in xukuumaddu ay baajisay qatartaas , kadib markii ay samaysay hay’ado iyo guddiyo qaabbilsan samata bixinta dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegay inay dalka ay ka jirtay xilligaasi amni la’aan baahsan oo cadowga khawaarijtu ay si buuxda u maamulaan nolosha bulshada iyo garsoorka.

Wuxuu sheegay Ra’iisulwasaaruhu in daafaha Caasimaddu ay ka jireen Maxkamado ku sheeg dadka lagu dhaco iyo rajo beel, taas oo ay meesha ka saartay xukuumadda Dan-qaran, ka dib markii ay fulisay baaqii madaxweynaha ee la dagaallanka argagixisada.

Ugu dambayn, Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay su’aalaha Bulshada iyo jawaabaha waafiga ah ee Wasiiradu ay siiyeen, wuxuuna uga mahad celiyay madaxda Qaranka iyo martida kale dulqaadka ay muujiyeen.

 

Previous Post

Israa’iil oo duqeymo la beegsatay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Xalab

Next Post

Ciidamada Badda Ruushka  oo sheegay in ay iska caabbiyeen weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliye lahayn

Next Post
Ciidamada Badda Ruushka  oo sheegay in ay iska caabbiyeen weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliye lahayn

Ciidamada Badda Ruushka  oo sheegay in ay iska caabbiyeen weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliye lahayn

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Mudane...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

January 12, 2026
0

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee...

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare oo gaaray Laascaanood

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare oo gaaray Laascaanood

January 12, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In