Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Xafiiskiisa ku booqday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.
Madaxweynaha Jubbaland iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa ka wada hadlay arrimo badan iyo xaalada guud ee dalka.