Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, oo ku sugan Wadanka Djibouti, ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
R/wasaare Khayre, ayaa Madaxweyne Geelle uga warbixiyay horumarka dawladda federaalka ay ka gaartay dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha, Amniga.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku amaanay dadaalka xoogan ee ay ugu jiraan sidii Soomaaliya markale ay cagaheeda ugu istaagi laheyd.
“Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle ayaan fadhi wada yeelanay, waxaan ka wada hadalnay sii adkeynta xiriirka dhaw ee labada dal, anigoo uga mahad celiyay shaqada nabad ilaalinta ee Ciidanka Jabuuti ka wado Dalka” ayuu yiri R/wasaaraha Soomaaliya.
kulanka, ayaa waxaa R/wasaaraha Soomaaliya ku wehlinayay Wasiirka Arimaha Dibadda, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Jabuuti C/raxmaan Maxamed Hiraabe.