Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Cumar oo Adis ababa kula kulmay dhiggiisa dalka Ethiopia

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
R/wasaare Cumar oo Adis ababa kula kulmay dhiggiisa dalka Ethiopia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

November 25, 2025

R/wasaaraha Soomaaliya mudane, Cumar C/rashiid  ayaa magaalada Adis ababa kula kulmay dhiggiisa dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn.

R/wasaaraha Ethiopia ayaa kulanka kaddib sheegay in xukuumaddiisu ay dalka Soomaaliya ka taageerayso sidii dib loogu dhisi lahaa awoodda ciidanka XDS si ay u sugaan ammaanka guud ee dalka.
Sidoo kale Hailemariam ayaa xusay in Ethiopia ay ka go’an tahay inay ka caawiso Soomaaliya wixii ay u baahan yihiin oo ay awoodaan, si dalka iyo ciidamada loogu sameeyo dib u dhis dhameystiran.
“Inkastoo ciidamadeena qaybta ka ah hawl-galka AMISOM ee Soomaalia, ay ka shaqeeyeen sidii Ammaanka loo xoojin lahaa, haddana waxaa lagama maarmaan ah in la dhiso ciidamada Soomaaliya si ay amniga Waddankooda u xaqiijiyaan,” ayuu yiri Hailemariam Desalegn..
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cumar C/rashiid oo la hadlay warbaahinta ayaa ku ammaanay Ethiopia kaalinta ay kaga jiraan la dagaalanka Al-shabaab.
“Dowladda Ethiopia waxay gacan ka geysanaysaa sidii Soomaaliya ay u xasili lahayd, waana mid aan ku ammanayno kaalintooda muuqata,” ayuu yiri R/wasaare Sharma’arke.
Previous Post

Saraakiil ka tirsan Booliiska Mareykanka oo la dilay+Sawirro

Next Post

Golaha Ammaanka ee Q. M. oo markale muddada u kordhiyay ciidamada AMISOM

Next Post
Golaha Ammaanka ee Q. M. oo markale muddada u kordhiyay ciidamada AMISOM

Golaha Ammaanka ee Q. M. oo markale muddada u kordhiyay ciidamada AMISOM

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka (SNIDC2025), oo muddo...

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

November 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In