Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Khayre oo ka qayb galay Xaflad Shahaadooyin lagu guddoonsiinayay Arday ka Qalin-jebisay Jaamacadda PSU

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
R/wasaare Khayre oo ka qayb galay Xaflad Shahaadooyin lagu guddoonsiinayay Arday ka Qalin-jebisay Jaamacadda PSU
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Raโ€™iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Magaalada Garowe uga qayb galay xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay Arday ka qalin-jebisay kulyadaha kala duwan ee Jaamacadda PSU (Puntland State University).

Raโ€™iisul wasaare Kheyre ayaa Ardayda ku dhiirri geliyay dedaalkii ay soo hureen, wuxuuna qalin-jebiyaasha ku boorriyay in aqoontooda ay ugu adeegaan Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Related posts

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š  ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ oo  ๐Ÿ“๐ŸŽ ๐๐จ๐จ๐ฒ๐š๐๐จ๐จ๐ ๐จ๐จ ๐๐ข๐ฒ๐จ ๐š๐ก ๐†๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ƒ๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐ช๐š๐ฅ๐จ๐จ๐œ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐Š๐š ๐ƒ๐ก๐š๐œ๐๐š๐ฒ ๐ƒ๐ก๐ข๐ฆ๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ฅ๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐š ๐๐ข๐ฒ๐จ ๐‹๐šโ€™๐š๐šn

March 4, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

March 4, 2026

Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa u hambalyeeyay qalin-jebiyaasha, wuxuuna u mahadceliyay Waaliddiinta Ardayda dhashay, Dawlad Gobaleedka Puntland, maamulka iyo barayaasha Jaamacadda, isagoo sheegay in Maanta ay tahay Maalin ku wayn qalin-jebiyaasha iyo ummadda Soomaaliyeed inteeda kale.

โ€œIdinkana waan idiin hambalyeyneynaa, waaliddiintii idinku soo dedaalayna waan u mahad celinayaa, Maanta waxa ay idiin tahay Maalin wayn, Soomaaliyana Maalin weyn ayey u tahayโ€, ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare ย Khayre.

Raโ€™iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa u sheegay qalin-jebiyayaasha in Soomaaliya ay dhibaata badan soo martay, hase yeeshee ay soo kabaneyso oo ay haysato dariiqa rasmiga ah ee horumarka una baahan tahay aqoon yahanno Habeen iyo Maalin usoo jeeda horumarinta Dalka, si Soomaaliya ay ula tartanto Adduunyada inteeda kale.

Aqoonyahannada Maanta la guddoonsiiyay Shahaadooyinka ayuu Raโ€™iisul Wasaaruhu xasuusiyay in ay u qalin-jebiyeen Dal ay qabyaaladdu ka xoog badan tahay Qaran-nimada, musuq-maasuquna uu nolasha caadiga ah kamid noqday.

Wuxuuna sidaa awgeed sheegay in laga sugayo inay u fakaraan qaabka ay u fakaraan Ummadaha tartanku kala dhexeeyo, una shaqeeyaan si aan caadi ahayn si loo hagaajinayo, loona jeexo Dariiqa wanaagsn ee mustaqbalka Ummadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaare Khayre ayaa u rajeeyay qalin-jebiyayaasha in Shahaadooyinka ay qaateen Maanta ay noqdaan kuwii ay ku hagaajin lahaayeen Dalka oo ay ku gaarsiin lahaayeen maqaamka ay mudan tahay Soomaaliya in ay ka gaarto nolosha iyo ilbaxnimada Dunida, wuxuuna kula dardaarmay in ay aqoontooda sii kordhiyaan, maadaama Ummaduhu ay u kala fursad wanaagsan yihiin sida ay u kala aqoon badan yihiin.

Previous Post

Dawladda Talyaaniga oo balanqaaday inay dib u dhis ku samaynayso xarunta maxkamadda sare ee dalka

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka “Sawirro”

Next Post
Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka “Sawirro”

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka "Sawirro"

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š  ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ oo  ๐Ÿ“๐ŸŽ ๐๐จ๐จ๐ฒ๐š๐๐จ๐จ๐ ๐จ๐จ ๐๐ข๐ฒ๐จ ๐š๐ก ๐†๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ƒ๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐ช๐š๐ฅ๐จ๐จ๐œ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐Š๐š ๐ƒ๐ก๐š๐œ๐๐š๐ฒ ๐ƒ๐ก๐ข๐ฆ๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ฅ๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐š ๐๐ข๐ฒ๐จ ๐‹๐šโ€™๐š๐šn

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ oo ๐Ÿ“๐ŸŽ ๐๐จ๐จ๐ฒ๐š๐๐จ๐จ๐ ๐จ๐จ ๐๐ข๐ฒ๐จ ๐š๐ก ๐†๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ƒ๐ž๐ž๐ ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐ช๐š๐ฅ๐จ๐จ๐œ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐Š๐š ๐ƒ๐ก๐š๐œ๐๐š๐ฒ ๐ƒ๐ก๐ข๐ฆ๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ฅ๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐š ๐๐ข๐ฒ๐จ ๐‹๐šโ€™๐š๐šn

March 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, kuna guda jira maalintii...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

March 4, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay ergayga...

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

March 4, 2026
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ayaa kulan wadajir ah ku ansixiyay Dastuurka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

March 4, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan US$3.88 milyan oo ah caymiska Takaful ee xoolaha, taasoo si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In