Wednesday, September 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare ku xigeenka “Qaab-dhismeedka ciidamada dalku waa muraayadda laga dheehan karo horumarka Dalka”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
R/wasaare ku xigeenka dalka oo booqanaya Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte iyo wafdi uu hogaaminayay oo ay ka midyihiin Wasiir ku-xigeenka Amniga Cabdinaasir Maxamed Cali, taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax iyo mas’uuliyin kale ayaa maanta gaadhay magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koofur Galbeed, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka iyo mas’uuliyiin kale.

Intaas kadib wafdiga iyo madaxda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed waxa ay wada qaateen kulan looga hadlayay sidii looga tashan lahaa qabyo qoraalka Siyaasadda Amniga Qaranka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Carte oo shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay sida ay muhiimka u tahay in latashi lala yeesho dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka, waxaana ka mid ahaa qodobadii la dul istaagay, Qaab dhismeedka Ciidamada heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed, lana xoojiyo isdhexgalka ciidanka.

In la qeexo hayadaha amniga masuuliyaadkooda iyo xidhiidhka ka dhexeeya Federaalka iyo dawlad goboleedyada.

In la sameeyo Guddida sare ee Amniga Qaranka iyo guddi farsamo oo la shaqaysa, sidoo kale in Maamul Goboleedyadu keensadaan cida wakiilka uga noqonaysa Siyaasadda Amniga Qaranka.

“Waa in laga wada shaqeeyo sidii jidgooyooyinka looga hortagi lahaa, iyadoo ay taasi iska kaashanayaan ciidamada amniga ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed, waxaa kaloo muhiim ah in la xoojiyo isdhexgalka ciidamada, waxaanu diyaar u nahay in aan qaadano, wixi talooyin ah oo ay noo soo jeediyaan dowlad goboleedyada” ayuu yiri Mudane Maxamed Cumar Carte Ra’iisu wasaare ku-xigeenku.

Ugu dambeyntii Ra’iisu Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isku afgartay in Siyaasadda Amniga Qaranka, laga wada shaqeeyo, ayna aragtidooda ku daraan qabyo qoraalka Siyaasadda Amniga Qaranka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha oo dhalinyarada ku boorriyay inay la yimaadaan Midnimo iyo Wadajir

Next Post

R/wasaare ku xigeenka dalka oo madaxda Galmudug kula kulmay Cadaado

Next Post
R/wasaare ku xigeenka dalka oo madaxda Galmudug kula kulmay Cadaado

R/wasaare ku xigeenka dalka oo madaxda Galmudug kula kulmay Cadaado

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026
0

Munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweyn diirran loogu sameeyay Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

September 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaaan Wasiirada Gargaarka iyo Haweenka Koonfur Galbeed, ayaa...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In