Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha oo dhalinyarada ku boorriyay inay la yimaadaan Midnimo iyo Wadajir

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha oo dhalinyarada ku boorriyay inay la yimaadaan Midnimo iyo Wadajir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa maanta hambalyo u diray dhamaamba dhalinyarada Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, Munaasabadda sanadguurada 73-aad ee aas aaskii ururkii dhalinyarada ee SYL kuwaasoo horseeday gobanimadii dalka.

“Ugu horeyn waxaan hambalyo u dirayaa dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gudaha iyo dibedda, waxaana rabaa aniga oo ka faa’iideysanaya fursada maalintan qiimiga weyn leh ee 15-ka May, waxaan ku boorinayaa dhalinta Soomaaliyeed inay la yimaadaan Midmimo iyo Wadajir, taasoo ah wadada kaliya ee dhalinta Soomaaliyeed ku keeni karaan isbadal saxan oo muuqda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in dhalinyaradii SYL ay ahaayeen dhalinyaro 13 ah, balse ay sameeyeen taariikh dahab ah oo lagu xasuusan doono weligood.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

“Anigoo ka faa’iideysanaya munaasabadan maanta, waxaan sidoo kale doonayaa in dhalinyarada aan uga digo in ay waajahaan qatarta Tahriibta, oo ah dhimasho fool xun, adduun iyo aakhirona ku qasaarayo qofkii u bareera” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo ugu baaqay dhalinyarada inay la yimaadaan aragti cusub iyo isku duubni.

“Xukuumadeydu waxay fursada koowaad siineysaa dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana ku talo jirnaa shaqo abuur iyo dhiiragelinta maalgashiga dalka, si dhalinyaradu u helaan fursado shaqo iyo mid waxbarasho” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

Previous Post

Madaxweynaha: “Furista waddooyinkan cusub ee Muqdisho waxay tilmaan u tahay in shacabku ka dhabeynayo mashruuca dalkaaga dhiso’’+Sawirro

Next Post

R/wasaare ku xigeenka “Qaab-dhismeedka ciidamada dalku waa muraayadda laga dheehan karo horumarka Dalka”

Next Post
R/wasaare ku xigeenka dalka oo booqanaya Baydhabo

R/wasaare ku xigeenka “Qaab-dhismeedka ciidamada dalku waa muraayadda laga dheehan karo horumarka Dalka”

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In