Monday, June 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha oo dhalinyarada ku boorriyay inay la yimaadaan Midnimo iyo Wadajir

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 15, 2016
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha oo dhalinyarada ku boorriyay inay la yimaadaan Midnimo iyo Wadajir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa maanta hambalyo u diray dhamaamba dhalinyarada Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, Munaasabadda sanadguurada 73-aad ee aas aaskii ururkii dhalinyarada ee SYL kuwaasoo horseeday gobanimadii dalka.

“Ugu horeyn waxaan hambalyo u dirayaa dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gudaha iyo dibedda, waxaana rabaa aniga oo ka faa’iideysanaya fursada maalintan qiimiga weyn leh ee 15-ka May, waxaan ku boorinayaa dhalinta Soomaaliyeed inay la yimaadaan Midmimo iyo Wadajir, taasoo ah wadada kaliya ee dhalinta Soomaaliyeed ku keeni karaan isbadal saxan oo muuqda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in dhalinyaradii SYL ay ahaayeen dhalinyaro 13 ah, balse ay sameeyeen taariikh dahab ah oo lagu xasuusan doono weligood.

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025

“Anigoo ka faa’iideysanaya munaasabadan maanta, waxaan sidoo kale doonayaa in dhalinyarada aan uga digo in ay waajahaan qatarta Tahriibta, oo ah dhimasho fool xun, adduun iyo aakhirona ku qasaarayo qofkii u bareera” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo ugu baaqay dhalinyarada inay la yimaadaan aragti cusub iyo isku duubni.

“Xukuumadeydu waxay fursada koowaad siineysaa dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana ku talo jirnaa shaqo abuur iyo dhiiragelinta maalgashiga dalka, si dhalinyaradu u helaan fursado shaqo iyo mid waxbarasho” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

Previous Post

Madaxweynaha: “Furista waddooyinkan cusub ee Muqdisho waxay tilmaan u tahay in shacabku ka dhabeynayo mashruuca dalkaaga dhiso’’+Sawirro

Next Post

R/wasaare ku xigeenka “Qaab-dhismeedka ciidamada dalku waa muraayadda laga dheehan karo horumarka Dalka”

Next Post
R/wasaare ku xigeenka dalka oo booqanaya Baydhabo

R/wasaare ku xigeenka “Qaab-dhismeedka ciidamada dalku waa muraayadda laga dheehan karo horumarka Dalka”

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
0

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta   Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Yuusuf Maxamed Aadan oo loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada magaalada Algeris ee Caasimada...

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

June 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay munaasabad casho...

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

June 22, 2025
0

RADIO MUQDHISHO:  Guutada 9aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta ka sameeyay deegaanno...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In