Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saaxiibada Caalamka oo soo dhaweeyey horumarka laga gaaray doorashooyinka bilowday

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
War-Saxaafadeedka Saaxiibada Caalamka ee Taageerada Shir-Madaxeedka DFS-DGXDF
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War-saxaafadeed ka soo baxay Saaxiibada caalamka ayaa Madaxda dowlad Goboleedka looga codsaday inay dedejiyaan doorashooyinka bilowday.

War-saxaafadeedka ayaa sidan u qronaa.

Related posts

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026

Saaxiibbada Caalamku waxay soo dhaweynayaan horumarka laga sameeyay hirgelinta Heshiiskii 27-kii May oo ay wada saxiixeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, waxayna ugu baaqayaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si aan dib u dhac lahayn u abaabulaan doorashada Aqalka Sare, oo ahayd inay billaabato 25-ka Luulyo.

Tusaalooyinka horumarka ah ee ugu dambeeyay waxaa ka mid ah: In la isla qaatay kal-tirsi doorasho oo la cusbooneysiiyay. Inta badan guddiyadii maamulka doorashada hadda waa la dhisay, waxayna iska dhex doorteen madaxdooda. Guddigii la igmaday ee Wasiirada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa wadatashiyo ku yeeshay magaalada Garbaharrey. Waxaa la qabtay shir hordhac ah ee Guddiga Amniga Doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay Guddi Danjireyaal Niyadsami (Goodwill Ambassadors) si kor loogu ololeeyo/hormariyo qoondada haweenka ee boqolkiiba30. Doorashada Aqalka Sare ayaa ka billaabatay Jubaland. Golaha Wadatashiga Qaran ayaa qabtay shirar joogto ah iyo wadahadalo. Arrimahaaas dhamaantood waa guulo amaan mudan.

Waxaan ku baaqaynaa in shaqada harsan ee lagu soo gunaanadayo geeddi-socodka doorashada ay si dhakhso ah horey ugu socoto isla sidii wadar ogolka ahayd. Arrimaha mudnaanta leh ee degdegga ah waxaa ka mid ah: in diyaargarow dheeraad ah oo faahfaahsan loo galo amniga doorashada, in la kala caddeeyo tallaabooyinka lagu sugayo matalaada haweenka ee Barlamaanka ee boqolkiiba 30, iyo xallinta muranka weli ka taagan guddiga maareynta doorashada.

Previous Post

Madaxweynaha Jubbaland oo daah furay tartanka Kubadda Cagta kooxaha heerka koowaad “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Maaliyadda Jubbaland oo booqday dhaawacyadii maanta

Next Post
Wasiirka Maaliyadda Jubbaland oo booqday dhaawacyadii maanta

Wasiirka Maaliyadda Jubbaland oo booqday dhaawacyadii maanta

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026
0

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan caalami ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha, iyagoo matalayay magaca iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In