Monday, January 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen oo la kulmay Taliyaha amniga magaalada Cadan

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen oo la kulmay Taliyaha amniga magaalada Cadan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Yemen Cabdulaahi Xaashi Shuuriye ayaa kulan la qaatay Taliyaha amniga magaalada Cadan Shalaal Cali Shaa’ic.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii wada shaqeyn wanaagsan u dhex mari laheyd iyo amniga labada wadan.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho rasmi ah ku jooga Riyaadh, ayaa la kulmay dhiggiisa Sacuudiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho rasmi ah ku jooga Riyaadh, ayaa la kulmay dhiggiisa Sacuudiga

January 5, 2026
Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

January 4, 2026

Cabdulaahi Xaashi Shuuriye ayaa ku amaanay Taliyaha doorkooda ku aadan inay xasiliyaan Magaalada Cadan oo hada si ku meel gaar u ah caasimada dalka Yemen, wuxuuna ka codsaday Safaaradooda in wada shaqeyn dhow ay la yeeshaan Taliska amniga si ahmiyad gaara loo siiyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa sheegay in ay kala shaqeyn doonaan ciidamada amniga sidii looga hortagi lahaa tahriibka, isagoo u sheegay Taliyaha in dowlada Soomaaliya ay wado qorsho lagu hormarinayo dalka, kaas oo suurta galin doona in shaqooyin badan loo abuuro Dhalinyarada si ay uga baaqsadaan Tahriibka.

Taliyaha amniga magaalada Cadan Shalaal Cali Shaa’ic ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka uu la qaatay Safiirka, isagoo sheegay Amniga Magaalada Cadan inuu ku xiran yahay Dalalka ay deriska la yihin oo Soomaaliya ay ka mid tahay, sidaas darteed ay waajib ku tahay labada dowladood inay ka wada shaqeeyaan amniga.

Taliya ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya iyo Yemen ay yihiin labada dal oo aan kala maarmin sidaas darteed la doonayo in ay ilaaliyaan nabad galyada marin biyoodka ka dhaxeeya, lagana hortago qataraha ka dhalanaya Tahriibka, Hubka sharci darada iyo waxyaabaha maanka dooriya.

Previous Post

Wafdi ka socoda Galmudug oo tagay Xeraale

Next Post

Wasiirka Gaadiidka: ”Muqdisho ayaa laga maamulayaa hawada Soomaaliya October dhamaadkeeda”

Next Post
Wasiirka Gaadiidka: ”Muqdisho ayaa laga maamulayaa hawada Soomaaliya October dhamaadkeeda”

Wasiirka Gaadiidka: ”Muqdisho ayaa laga maamulayaa hawada Soomaaliya October dhamaadkeeda”

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho rasmi ah ku jooga Riyaadh, ayaa la kulmay dhiggiisa Sacuudiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho rasmi ah ku jooga Riyaadh, ayaa la kulmay dhiggiisa Sacuudiga

January 5, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa booqasho rasmi ah ku...

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

January 4, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad, Guutada 20-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay...

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shir wadatashi ah ku qabatay Canada

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shir wadatashi ah ku qabatay Canada

January 4, 2026
0

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya ayaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku qabatay kulan wadatashi ah oo ah...

SoDMA oo wajiga 3aad ee mashruuca cuna qeybinta soo gabagabeeyay

SoDMA oo wajiga 3aad ee mashruuca cuna qeybinta soo gabagabeeyay

January 4, 2026
0

Xilli abaarta ka jirta dalka ay gaartay heer halis ah, ayaa Hay’adda SoDMA soo gabangabeysay mashruuc cunto-qeybin ah (wajigii 3-aad)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In