Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo kulan la qaatay Taliyaha hoggaanka Baarista dambiyada ee CID

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo kulan la qaatay Taliyaha hoggaanka Baarista dambiyada ee CID
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ku qaabilay Taliyaha hoggaanka Baarista dambiyada ee CID Gaashaanle dhexe Muxudiin Axmed Cismaan oo howlo shaqo u jooga Kenya,

Kulanka uu Safiirka la qaatay Taliye Muxudiin waxaa goobjoog ka ahaa diblomaasiyiinta Safaaradda oo ay ugu horeeyaan Qunsulka Safaaradda, Xoghayaha labaad ee Safaaradda iyo Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Dalka Kenya.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya iyo Taliyaha hoggaanka Baarista dambiyada ee CID Gaashaanle dhexe Muxudiin Axmed Cismaan oo kulan mira dhal ah wada qaatay ayaa waxa ay isla garteen in xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi laga furo xafiis laga qaato warqadaha dambi la’aanta ah ee uu Hoggaanka Baarista Dembiyada bixiyo, si loola dagaallamo Dadka Dukumiintiyada been abuurka u sameeyo Muwaadiininta Soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Kenya, si loola socdo Dadka Dembiiliyaasha ah iyo in adeegyada kala duwan ee Hoggaanka  CID-da bixiyo loogu soo dhaweeyo Shacabka Soomaaliayeed ee ku dhaqan Dalkan.

Ugu dambeyn Taliye Muxudiin Axmed Cusmaan ayaa waxa uu soo kormeeray Xafiisyada ay Safaaradda ku shaqeyso, gaar ahaan  Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadda,  halkaas oo ay ku sugnaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo adeeg u soo doontay xarunta Safaaradda si uu arko howlaha baaxadda leh ee ay qabato Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya.

Previous Post

Hay’adda SoDMA oo deeq daawo ah gaarsiisay deegaanka Janaale “SAWIRRO”

Next Post

R/W Ku-xigeenka dalka oo ka qeybgalay kulan lagu difaacayay Madaxbanaanida Soomaaliya

Next Post
R/W Ku-xigeenka dalka oo ka qeybgalay kulan lagu difaacayay Madaxbanaanida Soomaaliya

R/W Ku-xigeenka dalka oo ka qeybgalay kulan lagu difaacayay Madaxbanaanida Soomaaliya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In