Tuesday, September 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale oo ka qeybgalay xuska 1da Luulyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale oo ka qeybgalay xuska 1da Luulyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabaddan oo ay soo qaban qaabisay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya laguna weyneynayay 64 sano guurada ka soo wareegatay markii Gobolada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo Israacii Labada Gobal ee Waqooyi iyo Koonfur ayaa waxaa ka qeybgalay Safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS, Mas’uuliyiin hore iyo dadweyne aad fara badan.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa xafladda lagu soo bandhigay suugaan ka turjumayaa halgankii loo soo maray xornimada.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

September 8, 2026
Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

September 8, 2026

Xuseen Carab Ciise oo horey xilal uga soo qabtay dowladihii hore ayaa ku baaqay xoojinta midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed, isagoo carabka ku dhuftay in aanan marnaba la aqbali doonin kala go’a ummadda Soomaaliyeed. Waajibna ay tahay in la ilaaliyo wadajirka iyo midnimada.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS ayaa tilmaamay muhiimadda sida Dhallinyarada Soomaaliyeed ay isugu soo baxeen xuska Maalinta 1da Luulyo.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa shacabka uga hambalyeeyay munaasadda isagoo wakiil ka ah madaxda Qaranka.

Danjire Jabriil ayaa sidoo kale u mahadceliyay Dowladda Kenya sida ay u difaacdo danaha dadka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, kuwaasoo kaalin ka geystay isku xirka labada dal.

“Hambalyo mar kale dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo aad joogtaan. Waan ku faaneynaa himilada iyo horumarka dalkeenna. Waan wada jirnaa waxaana u halgamaynaa mustaqbal wanaagsan”. Ayuu yiri Danjire Jabriil.

Previous Post

Degmada Hobyo oo xalay laga xusay munaasabadda 1da Luulyo

Next Post

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Dhoola-tuska Ciidanka Qalabka sida ee 1-da Luulyo

Next Post
Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Dhoola-tuska Ciidanka Qalabka sida ee 1-da Luulyo

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Dhoola-tuska Ciidanka Qalabka sida ee 1-da Luulyo

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

September 8, 2026
0

Muqdisho, 8 Sebtembar 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay Shirka...

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

September 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Raji dayib Erdoğan, oo hore loogu...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania...

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

September 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa Dowladda Soomaaliyeed ku metelay Kalfadhiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In