Masuuliyiin ka socda Cutubka ciidamada Talyaaniga ee taakuleynta iyo wadashaqeynta shacabka oo saaka soo booqday xarunta Radiomuqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayaa kormeeray qeybaha Warbaahinta.
Kormeerka ayaa ujeedkiisu ahaa billowga Iskaashi dhex mara Warbaahinta Qaranka iyo Dowladda Talyaaniga waxaana saraakiisha iyo Engineerada soo booqday Warbaahinta Qaranka, ay sheegeen inay muhiim u tahay in wadashaqeyn ay yeeshaan Warbaahinta Qaranka Soomaaliya iyo dowladda Talyaaniga.
Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Afrika) iyo Agaasimaha TV-ga Qaranka Sharma’arke Maxamed Warsame iyo madaxda Qeybaha ayaa ku soo dhaweeyay xarunta Warbaahinta waxaana sharaxaad ka siiyeen howsha Warbaahintu u hayso Bulshada Soomaaliyeed iyada oo ay ku soo wareejiyeen qeybaha oo dhan.
Kormeerka ka dib ayay madaxda Warbaahintu Kulan hor dhac u ah Kulan rasmi ah oo dhex mari doona Wasiirka Warfaafinta, Cismaan Dubbe iyo Danjiraha Talyaaniga la qaateen saraakiisha si loo xoojiyo Saaxiibtinimadda Labada Dal.