Deegaanka Cadakibir Ee Gobolka Galgaduud Waxaa Ka soconayo Dhaqdhaqaaqyo Xooggan oo ay dadka degaanka iska celinayaa Maleeshiyada Al-Shabaab oo baneeysatay dhiig dadka shacabka ah
Qaar kamid shacabka deegaanka Cadakibir ayaa qaatay hubkooda kadib markii ay u dulqaadan wayeen dhibaatada isugu jirta dilka,dhaca iyo gubista hantidooda ay ka hayaan kooxda argagixisada Al-Shabaab, waxa ayna dadka degaankasi wacad ku mareey in inta qof ka noolyahy ay la dagaalami doonaan argagixisad u diidan in ay nolaadaan.
Sidoo kale diyaar garoow kaa lamid ah ayaa ka socda Gobolka Hiiraan ,halkaa oo dhawaan argagixisada dad Musaafur ah oo ay ku jiraan Haween iyo Caruur ay ku xasuuqeeyn,waxeyna taa tusaalo u tahay sida an kala sooca lahayn ee cadawgu u laynayo dadka Shacabka kadib markii jab- xooggan ay kala kulmeeyn howlagaladii ugu dambeeyay oo ay ciidamada xooga dalka ay kaga xoreyeen argagixisada degaanno badan.