Monday, February 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tubta Toosan

Sheikh Cali Wajiiz: Ramadaan waa bil Kheyr ee ma ahan bil dagaal

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Tubta Toosan, Wararka, Xulashada
0
Sheikh Cali Wajiiz: Ramadaan waa bil Kheyr ee ma ahan bil dagaal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

February 9, 2026
Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi amni

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi amni

February 9, 2026

Shekh Cali Maxamuud Xasan ( Sheikh Cali Wajiiz oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed, ayaa ugu baaqay maleeshiyada Alshabaab ee xag jirka ah in ay dagaalka joojiyaan, ayna u turaan bulshada Soomaaliyeed ee soomman.

Sheikh Cali Wajiiz, oo marti ku ahaa barnaamijka Tubta Toosan ee Radio Muqdisho, ayaa sheegay in bisha Ramadaan ay tahay  bil naxariis iyo is caawin, balse aysan ahayn bil colaad,dil iyo qarax.

Waxa uu Sheikhu sheegay in kuwa dagaalka hurinaya sida Alshabaab ay hareer marsan yihiin shareecada Islaamka, ayna dooddoodu tahay mid khaldan.

Sheikha ayaa caddeeyay in dalka Soomaaliya ay ka jirto dowlad Islaamka ku dhaqanta, isagoo dadka xusuusiyay in baarlamaanka Soomaaliyeed uu si aan loo kala harin u ansixiyay in dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka.

Sheikh Cali Wajiiz ayaa tilmaamay in Alshabaab ay ku gacan seyreen isku day kasta oo xal lagu gaari lahaa, ayna caqabad ku yihiin  hir gelinta shareecada Islaamka ee ay sheeganayaan.

Sheikh Cali Wajiiz, ayaa dhanka kale ka hadlay sida ay xaaraan u tahay in lala dagaallamo dowladda iyo madaxda dalka hoggaamineysa, oo uu sheegay in la dagaallankooddu uu dalka gelinayo colaad daba dheeraata iyo in ay burburto danta guud.

Waxa uu kula taliyay dhallinyarada la marin habaabiyay ee ka tirsan Shabaab in ay bulshadooda ku soo laabtaan ayna joojiyaan colaadda.

Waxa uu sheikhu tilmaamay in aan janno lagu galeynin daadinta dhiigga dadka muslimka ah ee soomaaliyeed.

Barnaamijka oo dhammeys tiran ka dhageyso halkan

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/06/TUBTA-TOOSAN-22.06.2015.mp3
Previous Post

Q. M. oo soo dhaweysay dhaarinta baarlamanka cusub ee Galmudug

Next Post

Wasiir Maareeye:” Lixda bilood ee soo aadan wasaaradu waxay yeelan doontaa muuqaal cusub”-Sawirro

Next Post
Wasiir Maareeye:” Lixda bilood ee soo aadan wasaaradu waxay yeelan doontaa muuqaal cusub”-Sawirro

Wasiir Maareeye:” Lixda bilood ee soo aadan wasaaradu waxay yeelan doontaa muuqaal cusub”-Sawirro

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

February 9, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad ee Gobolka Bakool, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi amni

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi amni

February 9, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa heshiis iskaashi ciidan la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sucuudiga, Sumuwal Amiir...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: ‘W𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐜𝐥𝐢𝐢𝐧 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐟𝐮𝐫𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐚”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: ‘W𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐜𝐥𝐢𝐢𝐧 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐟𝐮𝐫𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐚”

February 8, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa daahfuray Shirweynaha 3aad ee Waxbarashada Qaranka, oo sannadkan...

Wasiirro ka tirsan XFS oo Bandhigga Difaaca Adduunka kaga qeyb galay Riyaadh

Wasiirro ka tirsan XFS oo Bandhigga Difaaca Adduunka kaga qeyb galay Riyaadh

February 8, 2026
0

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Riyaad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In