Tuesday, June 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir Cadaaladda looga hadlayo oo ka furmey Muqdisho-Sawirro

caqiil by caqiil
April 25, 2016
in Wararka
0
Shir Cadaaladda looga hadlayo oo ka furmey Muqdisho-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho ayaa waxaa u jeedkiisu ahaa ka hadalka horumarinta Cadaaladda dalka waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin ka kala socotay dowladda dhexe iyo maamulada qaybta ka ah federaalka ee dalka ka jira.

Mas’uuliyiinta ka qaybgashay shirka ayaa waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka Mudane Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf, Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilko-Jiir) ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Mudane Axmed Cali Abuukar, taliye ku xigeenka ciidanka asluubta la taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca sharciga sidoo kale wasiirada Cadaakadda maamul goboleedyada dalka iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025

Shirkaan oo socon doona dhowr maalin ayaa waxaa mas’uuliyiinta ka hadashay ay aad ugu dheeraadeen ka hadalka muhiimadda cadaaladu u leedahay bulshada Soomaaliyeed waxaan mudada uu socdo khubaradu ay ka doodi doonaan sidii loo hagaajin lahaa cadaaladda dalka.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Dr Axmed Cali Abuukar, oo ka hadlay furitaanka aqoon isweydaarsigaan ayaa waxaa uu sheegay in dhibaatada ugu weyn ee dalka ka jirtaa ay tahay loona baahan yahay in si dhab ah loo bad baadiyo.

Xoghayaha guddiga cadaaladda Baarlamaanka Xildhibaan, Maxamed amiin, ayaa dhankiisa qaba in muhiimadu tahay in heer federaal iyo heer gobol laga wada qayb qaato horumarinta cadaaladda dalka .

Wasiiradda cadaaladda maamul goboleedyada dalka ayaa dhankooda ka hadlay kulankaan waxaana ay xuseen in ay ka go’antahay nooleynta cadaaladda dalka.

Wasiirka Cadaaladda dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilko-Jiir) ayaa ka sheegay kulankaan in wasaaradda oo kaashaneysa qaybaha kala duwan ee garsoorka dalka ay ku dadaali doonto hagaajinta cadaaladda.

Ugu dambeyntii waxaa ka hadlay kulanka gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka mudane Caydiid Cabdullahi (ilka Xanaf) oo si rasmi ah u furay shirka ayaa sheegay in garsoorka dalku u baahanyahay amni hadii aan la helina uusan socon karin garsoorku.

“Garsoorku waxaa uu u baahan yahay amni dhibaatada ugu weyn ee na haysata waa amniga waa in garsooraha amnigiisa la sugaa hadaan taas la helin way adkaaneysaa in cadaalad la helaa marka taa aan xoogga saarno,”ayuu yiri Ilka Xanaf.

1 2 3 4 7 8 9 10

W/D: Axmed Cali Kaahiye

Previous Post

Dowladda hoose oo ku howlan hagaajinta meelaha biyaha fadhistaan-Sawirro

Next Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
0

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta   Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Yuusuf Maxamed Aadan oo loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada magaalada Algeris ee Caasimada...

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

June 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay munaasabad casho...

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

June 22, 2025
0

RADIO MUQDHISHO:  Guutada 9aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta ka sameeyay deegaanno...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In