Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir ku saabsan amniga Qaranka oo Muqdisho ka furmay

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Shir ku saabsan amniga Qaranka oo Muqdisho ka furmay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo ay wehelinayeen Wasiirrada Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Amniga Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, Taliyeyaasha Ciidammada Xoogga Dalka iyo Booliiska, ayaa furay shir lagu hawl-gelinayey Guddiga hoggaaminaya qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso amniga Dalka (STP SSC).

Shirkan lagu hawl-gelinayey Guddiga, oo ay ka soo qayb galeen xubno ka kala socday hay’adaha qaabbilsan amniga dalka ee Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xafiisyada Sarsare ee Dalka, ayaa labada maalmood ee uu socdo waxaa looga hadli doonaa sidii Soomaaliya ay si buuxda saaxiibbadeeda dhanka amniga uga la wareegi lahayd mas’uuliyadda sugidda Amniga Dalka, iyada oo sidoo kale Shirkan lagu lafa-gurayo qiimaynta waayo aragnimadii laga bartay iyo horumarradii laga gaarey qaybihii hore Qorshihii Amniga Soomaaliya (STP), lagu na dhisayo qorshe midaysan oo Soomaaliya dhakhso ugu jihaynaya tubta dhammays-tirka la wareegidda Amnigeeda.

Related posts

Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed kala hadlay adkeynta Madaxbanaanida dalkeenna

January 12, 2026
Somalia and China Reaffirm Strategic Partnership and Mutual Support on Core Interests

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Shiiina oo ka wada hadlay Midnimada Dalka

January 12, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo khudbad ka jeediyey furitaanka Manaasabadda ayaa Guddiga kula dardaarmay mas’uuliyaddooda Qaran, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay shaqada Guddiga laga sugayo iyo qorsheyaasha horyaalla.

“Hawl-gelinta Guddigani waxa ay caddayn u tahay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay la wareegidda amnigeeda qaran. Guddigani waa goobta looga doodaayo, laga na jihaynayo qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda Amnigeenna qaran. Waxaa la idiinka fadhiyaa inaad qiimayn ku samaysaan waxyaabaha ka hirgalay qaybihii hore ee qorshaha, caqabaha iyo waayo-aragnimada laga bartay, sidoo kale na aad soo gudbisaan tubta dhammaystirka qaybaha danbe ee qorshahan.”

Intii ay munaasabaddu socotay mas’uuliyiintii kale ee kalmedaha ka jeediyey Shirka ayaa sidoo kale hoosta ka wada xarriiqay muhiimadda ay leedahay fulinta qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso sugidda amnigeeda qaran, iyada oo aan marna la aqbalayn qorsheyaal kale oo aan ku dhisnayn rabitaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Mareykanka oo cunaqabatayn saaray madaxa Ciidamada sirdoonka Uganda

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey oo booqasho sharafeed ugu yimid “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey oo booqasho sharafeed ugu yimid “SAWIRRO”

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey oo booqasho sharafeed ugu yimid "SAWIRRO"

Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed kala hadlay adkeynta Madaxbanaanida dalkeenna

January 12, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa Isniintii wadahadal laba geesood...

Somalia and China Reaffirm Strategic Partnership and Mutual Support on Core Interests

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Shiiina oo ka wada hadlay Midnimada Dalka

January 12, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa wadahadal khadka taleefanka ah...

Somalia and China Reaffirm Strategic Partnership and Mutual Support on Core Interests

Somalia and China Reaffirm Strategic Partnership and Mutual Support on Core Interests

January 12, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held a...

Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

January 12, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held virtual bilateral talks on Monday with his...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In