Kulankan oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya uu ka mid wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Haweenka iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Safiiro iyo wakiilo ka socday Midowga Afrika iyo Qaramada midoobey.
Xoghayaha NUSOJ Cumar Faaruuq oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in shirka looga gol leeyahay xaqiijinta xorriyadda warbaahinta iyo ka fogaashaha hadalada naceyb keena xiliga doorashada.
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Caddaala ayaa sheegay in Warbaahinta looga baahan yahay tabinta xaqiiqada iyo ka fogaashaha faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta bulshada.
Wasiirka Arrimaha dibbadda Maxamed Cabdirisaaq ayaa ka sheegay kulanka in Warbaahonta looga baahan yahay in kaalin wanaagsan qaataan marxalada lagu jiro.