Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir sanadeedka garsoorka dalka oo ka furmay Muqdisho

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Shir sanadeedka garsoorka dalka oo ka furmay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta furay Shir sanadeedka Garsoorka Dalka 2023-ka, oo sanadkii shanaad oo xiriir ah ka dhacaya Muqdisho

Shirkan ayaa looga hadlayaa federaaleynta Garsoorka iyo sidii ay u wada shaqayn lahaayeen garsoorka maamul goboleedyada iyo kan Federaalka, kaas oo hirgelintiisu ay soo jiitamaysay muddo dheer.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray sal u dhigidda garsoorka dalka, taas oo sababtay in ay bulshadu u caddaalad raadsadaan meel ka baxsan nidaamka dowladda.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay dhaqanka ah hor istaagga sharciga ee ay sameeyaan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta, wuxuuna ku boorriyay cid kasta oo loo adeegsado awood inuu dacwoodo kana gun gaaro una dhinto toosinta sharciga si loo helo caddaalad loo dhan yahay.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa madaxweynaha Qaranka ugu mahad celiyay inuu dardar geliyo shir lagu gorfeynayo garsoorka oo ah baahi isku xiran si ay bulshadu u hesho caddaalad.

D”hammaanteena waa in aan dhexda u guntanaa in la helo garsoor dhammeystiran “ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Shirkan oo socon doono laba Cisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka caddaaladda, wasiirka arrimaha gudaha XFS, Gudddoomiyaha maxkamadda sare, Baashe Yuusuf Axmed, xeer ilaaliyaha Qaranka , garsoorayaasha maamul goboleedyada, maxkamadda gobolka Banaadir, Ururka qareennada Soomaaliyeed, xubna ka socda labada gole ee baarlamaanka , Bulshada rayidka,  garsoorayaasha maxkamadaha dalka iyo qaar ka mid ah hoggaanka saraakiisha ciidamada dalka.

Previous Post

Weerar mindi loo addegsaday oo ka dhacay goob tareenada laga raaco oo ku taalla Paris

Next Post

Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis waxbarasho

Next Post
Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis waxbarasho

Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis waxbarasho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay si diirran u...

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

April 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo uu...

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

April 8, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa la kulmay Mudane Raisedon Zenenga, Ku simaha Madaxa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In