Saturday, February 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo furay shirka madasha Wada-tashiga heerka Qaran

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo furay shirka madasha Wada-tashiga heerka Qaran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay wajiga labaad ee Shirka madasha wada-tashiga heerka Qaran ee looga arrinsanayo doorashada sanadka 2016 lagu wado inay ka dhacdo dalka.

Shirka oo socon doona muddo labo maalmood ah waxaa ka qeyb-galaya madaxda dowladda federaalka, kuwa maamul goboleedyada, bulshada rayidka ah iyo wakiilo ka kala socda beesha caalamka, waxaana inta uu socda shirka lagu falaqeyn doonaa aragtida doorashooyinka ka dhici doona Soomaaliya,

Related posts

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 21, 2026
Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa si isku mid ay u soo jeediyeen in doorashada sanadka 2016-ka ay noqoto mid lagu saleeyo dhanka deegaanka oo laga gudbo nidaamka qabiilka ku saleysan ee 4.5.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada Galmdug iyo Koonfur galbeed ayaa dhankooda soo jeediyay in hanaanka doorashada sanadka 2016-ka laga dhigo mid ku saleysan nidaamkii la maray doorashadii sanadkii 2012-ka ee ah nidaamka qabiilka 4.5, inta laga gaarayo doorasho guud oo lagu qaban karo guud ahaan gobolada dalka.

Wakiilada beesha caalamka oo shirka ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan go’aanada ka soo baxay shirka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo isna shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa tilmaamay in xukuumadda ay dadaal ugu jirto sidii doorasho ay uga dhici lahayd guud ahaan dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in madaxda ka qeybgalaysa shirka looga fadhiyo inay la yimaadaan aragti mid ah, si loo helo hanaan doorasho

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirka ayaa sheegay in dowladda ay tixgelineyso aragtida laga soo uruurriyay shirarkii wada tashiga, waxaana uu Madaxweynuhu rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka ay ka soo bixi doonaan guulo wax ku ool ah

Previous Post

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar oo dib u dayactir lagu sameeyay

Next Post

Kulan loogu duceynayay Marxuum Hindiya Xaaji oo lagu qabtay Holland “SAWIRRO”

Next Post
Kulan loogu duceynayay Marxuum Hindiya Xaaji oo lagu qabtay Holland “SAWIRRO”

Kulan loogu duceynayay Marxuum Hindiya Xaaji oo lagu qabtay Holland "SAWIRRO"

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 21, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026
0

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u daahfurtay ololaha bisha barakeysan ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud chaired a meeting between...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026

February 20, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In