Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkii Wasiiradda Maaliyadda Dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyadda dalka oo qodobo laga soo saaray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Shirkii Wasiiradda Maaliyadda Dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyadda dalka oo qodobo laga soo saaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Wasiiradda Maaliyadda Dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyadda dalka oo labaddii maalin ee lasoo dhaafay ka socday magaaladda Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland, ayaa maanta lasoo gabagabeeyey, iyaddoo shirkaasi laga soo saaray qodobo dhowr ah.

Shirka oo  looga hadlay Dhaqaalaha Dalka iyo mideynta Canshuuraha Soomaaliya, ayaa waxaa  laga soo saaray qodobadaan:-

Related posts

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026

1- waxay xoojiyeen qodobada Shirkii ugu horreeyey ee Wasiiradda Maaliyadda ay ku  yeesheen magaaladda Garoowe bishii 3 November 2017, kaasi oo lagu aas-aasay madasha Wasiiradda Maaliyadda Dowlad goboleedyadda iyo Dowladda dhexe, iyaggoo ku baaqay in laga wada shaqeeyo xoojinta Xiriirka ay leeyihiin dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada iyo sare u qaadida hufnaanta maamulka maaliyadda dalka.

2- waxay isku dhiiri geliyeen in la helo lagana wada shaqeeyo wadiiqo isku furnaan ganacsi ah.

3- waxay isla garteen in mideynta cashuuraha dalka uu dhiiri gelin xooggan u yahay cirib tirka caqabadaha kala xirnaanta ganacsiga maamul goboleedyadda.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle oo la hadlay Warbaahinta qaranka, ayaa boggaadiyey qabsoomida shirarka noocaan oo kale ah, isagoo xusay in horumar ballaaran Dowladda Soomaaliya in ay  ka sameeysay mideynta canshuuraha dalka.

Previous Post

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga oo furay xarun ay ku shaqeyndoonto jaaliyadda

Next Post

fursad shaqo

Next Post

fursad shaqo

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Somalia Defence Minister Visits AUSSOM Sector 3

April 6, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, visited the headquarters of Sector 3...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqday xarunta Qaybta 3aad ee Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo miino baaris ah ka sameeyay deegaanka Gololey

SNAF Clears IED in Gololey

April 6, 2026
0

The Somali National Armed Forces (SNAF) conducted a mine clearance operation today in the Gololey area, located in Balcad town...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In