Sunday, September 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka oo heshiis iskaashi kala saxiixday

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
3 months ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka oo heshiis iskaashi kala saxiixday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka Dr. Muhammad Al Jasser ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Qaab-dhismeedka Iskaashiga Dalka (Country Engagement Framework – CEF) 2026–2028, kaas oo hagaya iskaashiga maalgalineed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka muddada saddexda sano ee soo socota.

Qaab-dhismeedkan istaraatiijiga ah wuxuu muujinayaa sida ay IsDB uga go’an tahay taageeridda mudnaanta horumarineed ee Soomaaliya, iyadoo la waafajinayo Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo himilooyinka kobaca dhaqaalaha dalka.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026

Heshiiskan ayaa diiradda saaraya laba tiir oo muhiim ah:

1-Horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee adkaysiga leh, gaar ahaan qaybaha tamarta iyo beeraha, si loo kordhiyo wax-soo-saarka, loo dardargeliyo kobaca dhaqaalaha, loona yareeyo saboolnimada.

2- Xoojinta horumarinta awoodda aadanaha, iyada oo la maalgelinayo adeegyada caafimaadka, tababarrada xirfadaha, dib-u-tababarka iyo kor-u-qaadista aqoonta shaqaalaha, gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada.

Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in heshiiskani uu xoojinayo iskaashiga miro-dhalka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kooxda IsDB, isla markaana uu furi doono fursado cusub oo lagu maalgelinayo mashaariic horumarineed oo saameyn muuqata ku leh nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Next Post

Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka oo ka qayb galay kulan aqoon iswaydaarsi lagu soo qabtay Kenya

Next Post
Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka oo ka qayb galay kulan aqoon iswaydaarsi lagu soo qabtay Kenya

Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka oo ka qayb galay kulan aqoon iswaydaarsi lagu soo qabtay Kenya

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa saxiixay  Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka...

Wafdi sare oo ka socda Ciidamada Cirka Pakistan oo Muqdisho lagusoo dhaweeyay

Wafdi sare oo ka socda Ciidamada Cirka Pakistan oo Muqdisho lagusoo dhaweeyay

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto. Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi sare oo ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In