Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya Iyo UNDP Oo Billaabay Mashruuc Horumarineed Oo ku kacaya 10 Milyan Oo Doollar

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya Iyo UNDP Oo Billaabay Mashruuc Horumarineed Oo ku kacaya 10 Milyan Oo Doollar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya iyo mashruuca horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) ayaa maanta billaabay mashruuca la qabsiga cimilada oo gacan ka geysanaya in bulshada miyiga ku nool ay helaan biya ku filan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ahna ku simaha Ra’iisul  Wasaaraha, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wakiilka UNDP ee Soomaaliya, Jocelyn Mason ayaa si wadajir ah u saxiixay mashruuca.

Related posts

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026

Mashruuca cusub oo afar sano ah waxaa hoggaaminaya xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana dhaqan gelinaya wasaaradda tamarta iyo khayraadka biyaha. Mashruuca waxaa ku baxaya 10 malyuun oo doolar, oo $8.5 milyan oo kamid ah uu bixinayo sanduuqa hey’adda deegaanka adduunka, iyada oo 1.5 Milyan ee soo hartay uu bixinayo mashruuca horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP).

Laba ama shan sano kasta gudahood, Soomaaliya waxa ay wajahdaa dhibaatooyin ka dhashay isbedelka cimilada adduunka oo ay kamid yihiin fatahaado, duufaanno iyo abaaro, kuwaas oo qayb ka qaata barakaca bulshada, sarana u qaada tartanka loogu jiro biyaha iyo dhulka

Saameynta ka dhalatay isbedelka cimilada ee sii yareysay kheyraadka biyaha ee makii horaba cariiriga ahaa ayaa sababi kara inuu sii huriyo rabshadaha bulshada dhexdooda ah.

Xoola dhaqatada ayaa ugu nugul isbedelka ku yimaada cilimada sababta oo ah waxa ay xoolahoodu ku tiirsanyihiin oo ay quutaan cagaarka kusoo baxa roobka, badankoodna ma laha dhul daaqsimeed ay gaar u leeyihiin, waxaana aalaaba hareeya muran ka yimaada biyaha

“Waxa aan si xad dhaaf ah ugu faraxsanahay in aan arko billaabashada mashruucaan. in la helo biya nadiif ah waxa ay nolosha u badbaadineysaa si toos ah, sidoo kalana waxa ay si dhaw ula xariirtaa amniga cunnada, dakhliga, yareynta saboolnimada, nabadda iyo amniga.” ayuu yiri Wakiilka UNDP ee Soomaaliya, Jocelyn Mason.

Mashruuca oo si dhaw ula shaqeynaya bulshada, ayaa siinaya tababarro la xariira maamulidda daadadka iyo ilaalinta biyaha.

Previous Post

Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS ee Shirka Caalamiga ah ee Horumarka iyo Dadweynaha

Next Post

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay hoos u dhacday qatartii Fatahaadaha”War-saxaafadeed”

Next Post
Dowlada Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay hoos u dhacday qatartii Fatahaadaha”War-saxaafadeed”

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay hoos u dhacday qatartii Fatahaadaha"War-saxaafadeed"

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026
0

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan caalami ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha, iyagoo matalayay magaca iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In