Friday, March 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda ee taala ICJ

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda ee taala ICJ
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya saaka warqad rasmi ah u dirtay maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ, taas oo ay ku caddeynayso in Soomaaliya diyaar u tahay dhageysiga dacwadda la muddeeyay 15 bisha Maarso ee sanadkan.

Cismaan Dubbe, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya marna aqbali doonin dib u dhigis dambe oo ku saabsan dacwaddaas taala maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ ee dalka Netherlands.

Related posts

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026

Wasiirka ayaa sheegay in Kenya ay mar marsiyo ka dhiganayso waxyaabo aad u liita oo ay kamid tahay waxaa nalaga xaday Map-kii aan dacwadda ku geli laheyn iyo arrimo kale.

“Dowladda Soomaaliya ma aqbali doonto dib u dhigis dambe ee dacwaddaas ah… in aad caddaaladda dib u dhigto waxay lamid tahay in aad caddaaladda diidan tahay,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Soomaaliya ayaa bishii August 2014, maxkamadda ICJ geysay dacwad ku saabsan sheekashada Kenya ee biyaha Soomaaliya, muddo dhowr jeer oo dib loo dhigay hadda waxaa loo madlan yahay dhageysiga dacwadda 15 bisha Maarso.

Dowladda Kenya ayaa isku day kasta sameysay sidii ay u weecin laheyd kiiskan ka furan maxkamadda ICJ, maadaama ay aaminsan tahay in Soomaaliya ka gar leedahay.

Previous Post

Howlgalo ka dhan ah Alshabaab oo ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen Hirshabeele +Sawirro

Next Post

Madaxweynaha Mareykanka oo xiriirkiisi ugu horeeyay la sameeyay dhiggiisa Shiinaha

Next Post
Madaxweynaha Mareykanka oo xiriirkiisi ugu horeeyay la sameeyay dhiggiisa Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka oo xiriirkiisi ugu horeeyay la sameeyay dhiggiisa Shiinaha

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026
0

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 14aad ee Wasiirrada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In