Saturday, February 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo kursi aan joogto ahayn ka helaysa golaha ammaanka ee QM

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay kursi aan joogto ahayn ku yeelato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo aan lagula tartami doonin kursiga wadamada Afrika.

Inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo dhacaya 6-da June ayaa la qorsheeyay in codbixinta la qaado.

Related posts

February 6, 2026
Gobolka Banaadir oo qorsheynaya in la hagaajiyo goobaha biyo fariisiga ah ee Muqdisho

Gobolka Banaadir oo qorsheynaya in la hagaajiyo goobaha biyo fariisiga ah ee Muqdisho

February 6, 2026

Soomaaliya ayaa ah dalka matalaya Qaarada Afrika, mana jiro dal kale oo Afrika ka socda oo tartanka la galaya, waxaana ay noqon doontaa markii labaad oo Soomaaliya ay ka mid noqoto xubnaha aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka, iyadoo ay ugu dambeysay 1971 ilaa 1972.

Soomaaliya ayaa taageero xooggan ka heshay ururka Midowga Afrika oo ansixiyey in Soomaaliya ay noqoto musharaxa kaliya ee u taagan kursiga Afrika.

Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, isaga oo ka qeybgalaya meertada 78-aad ee fadhiga guud ee Qaramada Midoobey oo lagu dooranayo xubnaha Golaha ammaanka.

Laga bilaabo 1-da Janaayo 2025, Soomaaliya iyo xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha ammaanka waxaa u bilaaban doona muddo xileedkooda oo ku eg 31-ka December 2026.

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo xarigga ka jaray mashruuc laga hirgeliyey Cadaado

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Safiirada Soomaaliya ee Libiya, Ciraaq Iyo Turkiga

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Safiirada Soomaaliya ee Libiya, Ciraaq Iyo Turkiga

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Safiirada Soomaaliya ee Libiya, Ciraaq Iyo Turkiga

February 6, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa saakay hoggaamiyay olole ballaaran oo nadaafadeed oo...

Gobolka Banaadir oo qorsheynaya in la hagaajiyo goobaha biyo fariisiga ah ee Muqdisho

Gobolka Banaadir oo qorsheynaya in la hagaajiyo goobaha biyo fariisiga ah ee Muqdisho

February 6, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo kormeeray qeybo kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho...

Madaxa Hey’adda SODMA”ummadda Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay u gurmadaan dadka la ildaran abaaraha”

Madaxa Hey’adda SODMA”ummadda Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay u gurmadaan dadka la ildaran abaaraha”

February 6, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo ka hadlay barnaamijka todobaadka ee warbaahinta qaranka ayaa faahfaahin guud ka bixiyay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

NISA oo howlgal ku dishay horjooge Axmed Dhuxul oo ka tirsan Khawaarijta

February 5, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa ku guuleystay in ay shacabka Soomaaliyeed shartiisa dhaafiyaan Horjooge Axmed Dhubad Xidig...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In