Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund – NCF) ayaa si rasmi ah u daah-furay tababarka Green Climate Fund (GCF) Direct Access Accreditation Training Programme, kaas oo ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Tababarkan muhiimka ah waxaa ka qeyb galaya hay’ado dowladeed iyo daneeyayaal kala duwan, iyadoo ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo diyaar-garowga Soomaaliya ee helitaanka aqoonsiga tooska ah ee GCF (Direct Access Accreditation). Sidoo kale, tababarku wuxuu kor u qaadaya fahamka shuruudaha aqoonsiga, wuxuuna taageerayaa hay’adaha si ay u dhistaan nidaamyada lagama maarmaanka u ah helitaanka iyo maareynta maalgelinta cimilada.
Hay’adaha ka qeyb galaya tababarka waxaa ka mid ah Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliyeed (SDRB), kuwaas oo loo asteeyey inay hoggaan ka noqdaan geeddi-socodka aqoonsiga. Waxaa sidoo kale ka qeyb galaya hay’ado kale oo mustaqbalka u tartami kara helitaanka aqoonsigan, kana kala socda daneeyayaasha heer qaran ee Soomaaliya.
Barnaamijkan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya qodobbo muhiim ah sida: heerarka maaliyadeed (fiduciary standards), ilaalinta deegaanka iyo bulshada, sinnaanta jinsiga, diyaar-garowga hay’adaha, iyo habraacyada loo maro helitaanka aqoonsiga. Intaa waxaa dheer, wuxuu fursad u abuurayaa hay’adaha inay hagaajiyaan qorsheyntooda howlaha iyo inay xoojiyaan iskaashiga dhexdooda.











