Xukuumadda Suudaanta Koonfureed iyo fallaagada ayaa magaalada Khaartuum ee xarunta Dalka Suudaan ku kala saxiixday heshiis xabad joojin ah kadib dadaal dheeraad ah oo la sameeyey.
Waxyaabaha ay ku heshiiyeen madaxaweynaha Koonfurta Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar ayaa dhigayay in xabad joojin lagu tallaabsado,si looga gudbo dhibaato ka timaada dagaalada sokeeye ee dalkaasi ka socday in muddo ah.
Sidoo kale waxaa la isku afgartay in labada dhinac ay ciidamadooda ay ka saaraan magaalooyinka si colaadda loo joojiyo,waxaana lagu tilmaamayaa talaabo horumar leh,iyo in mucaaradka iyo dowladda ay xabsiyada ka siidaayaan dadka maxaabiista ah oo u xiran.
Waxaa lafilayaa in Maanta madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu u fidiyo gogol dhincayada South Sudan si ay u kala saxiixdaan heshiis dhanka awood qaybsi ah,Waxaa jiray heshiisyo kale oo ay horraan wada gaareen mucaaradka iyo dowladda Koonfurta Suudaan oo aanan la dhaqan gelinin.
Ku dhawaad shan sanno ayay dagaallo ka jiraan South Sudan kaaso barakiciyay malaayin shacab ah halka tobbonaan kun oo qof ay ku dhinteen.
Riek Machar Hoggaamiyaha mucaaradka iyo madaxweyne Salva Kir ayaa dhawaan heshiis ku kala saxiixday magaalada Khartoum waxaana goob joog ka ahaa madaxweyne Cumar Xasan Al -Bashiir.
Wuxuu Heshiiskan qayb yahay dadaalka ay wadaan hoggaamiyeyaasha dalalka bariga Afrika oo ay ku doonayaan in xabad joojin laga hergeliyo dalka Koonfurta Suudaan.