Xafiiska ka hortagga Askareynta Carruurta ee wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaaย Maanta ka daahfurtay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo tababar ku saabsan bedqabka Carruurta Soomaaliyeed.
Tababarkan oo loo qabtay Saraakiil, S/xigeen iyo dabaley ka tirsan Ururka 49-aad, Guutada 10-aad ee CXDS Magaaladan Baardheereย ayay ujeeddadiisu ahaydย sidii looga gaashaaman lahaa ka hortagga Askaynta Ilmaha aan qaan-gaarin.
Gudoomiyaha Degmada Baardheere Mudane , Maxamed Wali Yuusuf Cabdullaahi Qorrax oo ka hadlay Daahfurka Tababarkan ayaa bogaadiyay macallimiinta bixinaya siminaarka.












