Thursday, December 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tahriibayaal lagu rasaaseeyey Dalka Liibiya

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Tahriibayaal lagu rasaaseeyey Dalka Liibiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka laga helayo Dalka liibiya ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashey rasaas lagu furay dad Tahriibayaal Afrikaan ah oo Soomaali ay kujirto,kuwaasi oo ka soo baxsaday xabsi kuyaalay dalkaasi.

Muqalisiin ku sugan Dalka Liibiya ayaa lagu soo waramaya in ay rasaas ku fureen illaa 100 qof oo tahriibayaal ah,kuwaas oo isku dayay in ay ka baxsadaan meel lagu hayay,waxaana ka dhashey qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Related posts

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

December 25, 2025
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka kobaad ee dalka oo codkiisa saakay ka dhiibtay D.Hodan ee gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka kobaad ee dalka oo codkiisa saakay ka dhiibtay D.Hodan ee gobolka Banaadir.

December 25, 2025

Goobta ay wax ka dheceen ayaa ah magaalada Bani Waliid ee Dalkaasi Liibiya,waxaana ku dhimatay 15 qof oo kamid ah dadkaasi baxsadka ahaa,iyadoo sidoo kae lagu dhaawacay illaa 25 qof sida ay soo tabisay hay’adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF oo war ka soo saartay dhacdadaasi.

War ay soo saartay hay’adda Hay’adda MSF ayaa lagu sheegay in dadka waxyeelada soo gaartay ay ka midyihiin Soomaali, dad u dhalashay dalalka Eritrea iyo Itoobiya.

Wadanka Liibiya ayaa noqotay dalka ugu badan ee laga tahriibiyo dadka doonaya in ay galaan Qaaradda Yurub,hase ahaatee waxaa ay dadku kala kulmaan dhibaatooyin xoogan tahriibkaasi.

Warka hay’adda ayaa intaasi ku darayaa in kooxo kala duwan ay kala iibsadeen tahriibayaasha, iyada oo meel lagu haystay muddo 3 sanadood ah,Balse markii ay u adkaysan waayeen ayay isku dayeen in ay baxsadaan, xilligaas oo rasaasta lagu furey.

Kumanaan muhajiriin Afrikaan ah oo Soomaali kujirto ayaa ku dhimatay Badda  loo yaqaano Mediterraneanka oo isku xirta Afrika iyo Yurub,iyagoo baadi goobaya sidii ay u heli lahaa yeen nolol ka duwan midda dalkooda kajirta.

Previous Post

Aqalka Sare oo deeq lacageed gaasiiyay qaar kamid ah dadkii ay saameeyeen Fatahaadaha iyo Duufaanada ku dhuftay Dalka

Next Post

Ciidamadda Yuhuuda oo duqeeymo ay ka geeysteen qasa ku dilay  dad Falastiiniyiin ah

Next Post
Ciidamadda Yuhuuda oo duqeeymo ay ka geeysteen qasa ku dilay  dad Falastiiniyiin ah

Ciidamadda Yuhuuda oo duqeeymo ay ka geeysteen qasa ku dilay  dad Falastiiniyiin ah

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

December 25, 2025
0

Magaalada Muqdisho waxay maanta qortay taariikh baal dahab ah ka gashay sooyaalka siyaasadeed ee Soomaaliya, kaddib markii si wadajir ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka kobaad ee dalka oo codkiisa saakay ka dhiibtay D.Hodan ee gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka kobaad ee dalka oo codkiisa saakay ka dhiibtay D.Hodan ee gobolka Banaadir.

December 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo gudanaya waajibaadkiisa muwaadinimo kana qayb-galaya doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee...

Doorashada Golaha Deegaanka oo ka bilaabatay saakay 16-ka Degmo ee gobolka Banaadir.

Doorashada Golaha Deegaanka oo ka bilaabatay saakay 16-ka Degmo ee gobolka Banaadir.

December 25, 2025
0

Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u bilaawday doorashada Golaha Deegaanka 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir, taasoo ah mid...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka digay xaalad adag oo ka jirta guud ahaan dhulka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In