Monday, March 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Talaalkii ugu horeeyay ee COVID-19 oo Soomaaliya la keenay +Sawirro

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Talaalkii ugu horeeyay ee  COVID-19 oo Soomaaliya la keenay +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

300,000 oo Kuuro (Doses) oo talaalka cudurka corona ah ayaa maanta soo gaaray Soomaaliya, wasiirka caafimaadka XFS Fowziya Abikar Nuur, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan iyo mas’uuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa soo dejinta talaalka Oxford Astrazeneca.

Waa wajigii koowaad qeybta maanta dalka ay keentay hey’adda caafimaadka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WHO, guud ahaan talaalka COVID-19 ee Soomaaliya loogu talagalay ayaa ah 1.2 milyan oo kuuro.

Related posts

Soomaaliya oo garab-istaag u muujiysay Azerbaijan

Soomaaliya oo garab-istaag u muujiysay Azerbaijan

March 9, 2026
Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

March 9, 2026

Danjire James Swan, ayaa sheegay in wasaaradda caafimaadka ugu hambalyeeyaynayo helitaanka talaalkii ugu horeeyay ee cudurka corona ah, isagoo sheegay in Qaramada Midoobay ay sii wadayso taageerada Soomaaliya xilligan adag.

Waxaa uu sheegay in cudurka wali halis weyn yahay isla markaana loo baahan yahay in shaqaalaha caafimaadka iyo dadka nugul qaataan talaalka feejignaantana la sii wado, si loo xakameeyo feyraska.

Fowziya Abiikar Nuur, ayaa u mahad celisay dhammaan hey’adihii ka soo shaqeeyay in Soomaaliya uu soo gaarto talaalka cudurka coronavirus, xilli dalka uu ku jiro soo labo kacleynta feyraska corona.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in talaalka beri la bilaabi doono isticmaalkiisa laguna horeysiin doono shaqaalaha caafimaadka ee la dagaalamaya feyraska.

“Waan ku dadaalaynaa in aan caddaalad u gaarsiino talaalka inta na soo gaartay. Waa muhiim in talaalka ay la socoto wacyigelinta, sida kala dheeraado, afka la xirto, gacmaha la dhaqdo” ayay tiri Fowziya.

Waxaa xusid mudane, in 16 Maarso oo beri ah, oo talaalka isticmaalkiisa la bilaabi doono ay  ku beegan tahay sanad ka hor markii kiiskii ugu horeeyay oo cudurka COVID-19 ah laga heley Soomaaliya.

Previous Post

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MALAAQ YUUSUF CABDIYOW MACALLIN.

Next Post

Danab oo gaari qarax saaran yahay ku gubey Tooratoorow

Next Post
Danab oo gaari qarax saaran yahay ku gubey Tooratoorow

Danab oo gaari qarax saaran yahay ku gubey Tooratoorow

Soomaaliya oo garab-istaag u muujiysay Azerbaijan

Soomaaliya oo garab-istaag u muujiysay Azerbaijan

March 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa khadka taleefanka kula...

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

March 9, 2026
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Saalim Caliyoow Ibrow, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda...

Madaxda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo qaabilay Wafdi ka socday WFP

Madaxda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo qaabilay Wafdi ka socday WFP

March 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed, iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda, ayaa kulan miro-dhal ah...

Wasiirka Qoyska oo xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska

Wasiirka Qoyska oo xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska

March 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa xarig ka jartay garoon kubadda cagta ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In