Tuesday, February 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha booliiska oo la dalacsiiyay askar tababar qaadanaysa

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Taliyaha booliiska oo la dalacsiiyay askar tababar qaadanaysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa Leyla saraakiil u dalacsiiyey Askarta Jaamiciyiinta ee ku jirta dugsiga tababarrada ee Jeneraal Kaahiye, munaasabaddaas  oo ay ka qeyb-galeen masuuliyin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabaddaan oo ka dhacdey xarunta tababarrada Boliiska Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, waxaa kor-joogeyaal ka ahaa Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaran iyo Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir, ciidanka halkaa ku sugnaa ayaa waxa ay soo bandhiggeen Gaadda ka cayaar, sidoo kale munaasadda waxaa lagu sagootinayey Ciidan dhallinyaro Waxbaratay oo Waxbarasho ciidan u aadaya waddanka Suudaan, sidoo kale waxaa joogey sareeyeyaasha iyo hoggaannada ciidanka Boliiska Soomaaliya.

Related posts

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 23, 2026
Somalia Congratulates Brunei on National Day

Soomaaliya oo u hambalyeeysay Maalinta Qaranka Brunei

February 23, 2026

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa darajada Kormeerre Koobaad iyo labaad u dalacsiiyey dhallinyarada waxbaratay ee u tababartay ciidanka Boliiska Soomaaliya, si uu ugu dhiirageliyo dedaalka iyo waddaniyadda ay muujiyeen inta ay tababarka ku jireen.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa sheegay in u jeedadu ay tahay in isbaddel weyn lagu sameeyo ciidanka. Lagana dhigo dad aqoon leh oo dadkooda u adeegaya.

Sidoo kale taliyaha Boliiska Soomaaliya, ayaa sheegay in 15, dhallinyaro ka baxdey Akadeemiyada Jeneraal Kaahiye in ay waxbarasho muddo afar sanno ah u aadayaan dalka Suudaan, si waddankooda ay ugu soo kordhiyaan aqoon iyo isbaddel nabadgalyo.

Xildhibaan C/fataax oo ka tirsan Barlamaanka cusub ee Soomaaliya, ayaa boggaadiyey horumarka ka muuqda ciidanka Boliiska Soomaaliya.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in Boliisku uu u taagan yahay ilaalinta sharciga, waxa uu ku ammaanay taliyaha ciidanka Boliiska isbaddelka uu ku sameeyey ciidanka ee dhanka aqoonta ah, waxa uuna rajeeyey in Boliisku uu noqon doono  midka horumarka dalka hormuud ka noqdo.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliya, ayaa dhiiragelin iyo sagootin heer sare ah u sameeyey saraakiisha dhallinyarada waxbaratay ee waddanka Suudaan u aadaya afar sanno oo waxbarsho ciidan ah, taas oo wax weyn ku soo kordhin doonta ciidanka Boliiska oo helay dhallinyaro aqoonyahanno ah.

A3 A17 A5 A1 A2 A18 A23 A24 A26 A27 BH0A6388

Previous Post

Tirinta codadka guddoomiye ku xigeenka 1 aad oo la soo gabagebeeyay

Next Post

Natiijada wareegii koowaad oo la soo saaray

Next Post
Natiijada wareegii koowaad oo la soo saaray

Natiijada wareegii koowaad oo la soo saaray

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 23, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Somalia Congratulates Brunei on National Day

Soomaaliya oo u hambalyeeysay Maalinta Qaranka Brunei

February 23, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo diirran u diraysaa Boqor Hassanal Bolkiah, Dowladda iyo shacabka Brunei Darussalam munaasabadda Maalintooda Qaranka. Soomaaliya...

Somalia Congratulates Brunei on National Day

Somalia Congratulates Brunei on National Day

February 23, 2026
0

The Federal Republic of Somalia extends its warmest congratulations to His Majesty Sultan Haji Hassanal Bolkiah, the Government, and the...

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

February 23, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdiqaadir Cilmi ayaa guddoomiyay kulan la xiriira arrimaha adeegyada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In