Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha CXD oo kulan la yeeshay saraakiil Masaari ah

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Taliyaha CXD oo kulan la yeeshay saraakiil Masaari ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xilli maalintii shalay magaalada Muqdisho ay soo gaareen wefdi ka socda dalka Masar, oo uu hogaaminayay kaaliyaha wasiirka arimaha dibadda ee dalka Masar  u qaabilsan qaarada Afrika ayna kamid ahaayeen saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga dalkaasi ayaa maanta waxaa kulan la yeeshay saraakiishaasi taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Kulanka saraakiishan oo ka dhacay xarunta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxaa ay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta cilaaqaadka labada dowladood iyo sidii xukuumadda Qaahira door ugu qaadan laheyd dib u dhiska ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed sareeyo gaas Maxamed Aadan Axmed oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dowladda Masar ay tahay saaxiib weyn oo ay Soomaaliya leedahay isla markaana xiriirkii soo jireenka ahaa dib loo soo celin doono.

Sareeyo gaas Maxamed Aadan Axmed, taliyaha ciidanka xooga dalka ayaa sidoo kale sheegay in wefdiga ka socday dalka Masaarida ay ka wada hadleen dib u soo nooleynta xiriirka labada dhinac gaar ahaan iskaashiga dhanka gaashaandhigga ah.

Previous Post

Ciidamda Amaanka oo Qabtay Gaari waxyaabaha Qaraxa laga Soo buuxiyay

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In