Tuesday, February 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Hey’adda NISA oo xilka la wareegay-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Hey’adda NISA oo xilka la wareegay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan uu xilka kula wareegayey Taliyaha Cusub ee Ha’yadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa waxaa ka qeyb galey Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka, avv Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Amniga gudaha, Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale)  iyo ku Xigeenkiisa, Taliyayaasha Hogaanadda Ha’yadda iyo Saraakiil kale.

Taliyihi hore ee hey’adda Sirdoonka Soomaalia Janaraal Cabdullahi Gaafow Maxamuud, ayaa ugu horeyn taliyaha cusub ku wareejiyey Documentiyo muujinaya xogaha iyo warbixino la xiriira shaqada hay’adda NISA, isagoo sheegay in xiligan ciidanka nabad sugiddu ay hayaan howl adag oo ahmiyad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026

Taliyaha Cusub ee ha’yadda Nabadsugida iyo sirdoonka soomaalia C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa mahad celin kadib waxaa uu balan qaaday in kor u qaadis iyo horumarin uu ku sameyn doono shaqada qaranku uu u wakiishay.

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaalia Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo isna munaasabada xil wareejinta ah hadal kooban ka jeediyey ayaa taliyaha cusub ee  Sirdoonka Soomaalia u sheegey iney hortaalo shaqo culus loogana fadhiyo inuu kabaha la ilado Kooxda Al-shabaab ee qaraxyadda dhiiga shacabka ku baneystay.

Ra’isul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaalia Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka sheekeeyey ahmiyadda Sirdoonku u leeyihiin nabad galyadda dal walba, dar daaran gaar ah ayuuna siiyey taliyaha cusub iyo ciidamadda hay’adda NISA.

 

 

Previous Post

La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya oo fasiraad ka bixiyey iclaamintii xaalad dagaal

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee JFS, Dr Cali Xaaji Aadam Abubakar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb...

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026
0

Kulankii finalka ee Koobka Jeneraal Daa'uud ayaa galabta lagi soo gabagabeeyay Tuulada Cayaaraha ee Muqdisho, halkaasi oo ay u daawasho...

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

February 2, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaranka, ahna Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir,...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

February 2, 2026
0

Magaalada Birmingham ee caasimadda labaad ee dalka UK ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In