Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 21-aad ee wareegga 2aad ku tartamay degmooyinka Xamar weyne iyo Yaaqshiid oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taaba-gelineya Bangiga IBS.
Tartameyaasha labada degmo ee Xamar weyne iyo Yaaqshiid ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Xamar weyne
Tartameyaasha Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir, waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen. sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar weyne ay heleen waxay noqotay Lix (6) dhibcood.
Yaaqshiid
Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Saddex su’aal oo soo hareermartay dhigooda Xamar weyne, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Yaaqshiid waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.
Hadaba kulankii 21-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga 3aad u soo gudubtay tartamayaasha Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 20-aad ee tartanka, kulankiisa 22-aad waxaa ku tartami doona degmooyinka Buula-burte iyo Kaaraan oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Banaadir.
Sawir Qaade:- Sakariye Shiddo