Wednesday, January 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartameyaasha Degmada Kismaayo oo caawa u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartameyaasha Degmada Kismaayo oo caawa u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 18aad ee wareegga Labaad ku tartamay Degmooyinka Hodan Vs Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee Hodan Vs Kismaayo ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Related posts

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026

Hodan

Tartameyaasha Degmada Hodan Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Shan su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartameyaasha Degmada Hodan, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Hodan ay heleen waxay noqotay Lix (6) dhibcood.

Kismaayo

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, waxa ay iska qaldeen Shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen saddex su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Hodan, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kismaayo waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Hadaba kulankii 18aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga 3aad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Sawir Qaade: Khadar Cali Nuur 

Previous Post

Waajid: Golaha cusub ee deegaanka oo doortay Guddoomiye “SAWIRRO”

Next Post

Tartameyaasha Degmada Xamar weyne oo dhibcihii ugu badnaa ku adkaaday, una gudbay wareegga 3aad “SAWIRRO”

Next Post
Tartameyaasha Degmada Xamar weyne oo dhibcihii ugu badnaa ku adkaaday, una gudbay wareegga 3aad “SAWIRRO”

Tartameyaasha Degmada Xamar weyne oo dhibcihii ugu badnaa ku adkaaday, una gudbay wareegga 3aad "SAWIRRO"

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
0

Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Buulo-Xaaji ee...

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha Aqalka Sare ee BJFS Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ...

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

January 14, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi (Timacadde), oo ay wehliyaan Wasiirada...

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

January 14, 2026
0

Waxaa magaalada Moqdisho ku soo gabagaboobay, Shirka Ka-Jawaabista Abaaraha iyo Amni-Darrada Cuntada dalka kadib dood iyo xog is-weydaarsi miro-dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In