Friday, July 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Tartanka Gabayada Soomaalida oo maanta lagu daahfuray magaalada Muqdisho

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
September 22, 2021
in Maqaallo
0
Tartanka Gabayada Soomaalida oo maanta lagu daahfuray magaalada Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

21 Sebteembar 2021 ­­­­­­­­­­­­­­­­­–– Tartanka Gabayada Soomaalidu maanta ayuu si rasmi ah u furmay, waana abaalmarin sannadle ah oo uu qabanqaabiyay Hoyga Maansada Soomaaliyeed oo taageero ka helaya Hay’adda Qaramada Middoobay u qaabilsan horumarinta (UNDP).

Tartanku wuxuu u furan yahay qof walba oo Af Soomaali wax ku qori kara, waxaana lagu aqoonsan doonaa Abwaanka leh hal-abuurka ugu wanaagsan ee sannadka. Saddexda qeybood ee tartanku waxay kala yihiin: Gabayaaga ugu wanaagsan ee Sannadka, Gabadha ugu gabay wanaagsan Gabdhaha gabya (oo ay taageereyso hay’adda UNDP) iyo Abwaanka Da’da yar ee Sannadka (oo ka yar 25 sano). Gabayada waxaa lagu soo dirayaa bogga internetka ee Hoyga Maansada Soomaaliyeed, tartanku wuxuu xirmayaa 21-ka Oktoobar. Sannadkan waxaa Garsoorayaal ka ah abwaano isugu jira kuwo waaweyn iyo kuwo hadda soo kacaya oo ay ka mid yihiin Axmed Faarax Cali (Idaajaa), Cisman Cabdullahi Guure, Moxamud Xaaji Maxamed (Tarash), Caasha Maxamud Yuusuf (Caasha-luul) iyo Xawa Jaamac Cabdi.

Related posts

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

November 13, 2023
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

December 29, 2022

Gabayaaga ugu Wanaagsan ee Sannadku wuxuu ku guuleysanayaa $2,000 oo doollar, Abwaaanka Da’da yar ee Sanadku wuxuu ku guuleysanayaa $1,000 doolar. Gabadha ugu gabay wanaagsan Gabdhaha Gabya waxay ku guuleysanyesaa $1,500, taasoo lagu hawlgalinayo in ay ku soo qorto lix gabay oo ay uga hadleyso arrimaha haweenka.

“Dumarka had iyo jeer waa la xaqiraa balse marnaba lama xaqiri karo maansada wanaagsan ee aanu tirino,” ayay tiri Caasha Maxamuud Yuusuf oo ka mid ah garsoorayaasha tartanka. “Hadday noqoto in aan ka hadalno nolosheena, caddaaladda, arrimaha qoyska ama riyooyinkeena, gabayada dumarku ay tiriyaan waxay kaga hadlaan arrimo muhiim ah oo u baahan in wax laga qabto, waa hadii la doonayo in aan dhisno bulsho wanaagsan oo  qof walba uu horumar ka gaari karo.

“Soomaalidu wax badan ayay dunida ku soo biirin karaan oo uu Gabaygu ugu horreeyo. Waxaan ku dhiirigelinayaa qof walba, yar iyo wayn, in ay ka soo qaybgalaan tartanka,” ayuu yiri Abwaan Idaajaa. Muuqaal uu Abwaanku kaga hadlayo sida tartanka looga qaybgali karo waxaad ka heleysaa bogga internetka ee Hoyga Maansada.

Xafladda furitaanka tartanku waxay si rasmi ah maanta uga dhacaysaa hoteelka Jazeera ee ku yaalla caasimadda Muqdisho. Sidoo kale, xafladda lagu abaalmarinayo dadka ku guulaysta tartanka waxaa iyana lagu qaban doonaa Muqdisho 21-ka Nofeembar. Waxaa ka soo qaybgali doona fannaaniin iyo bahda hiddaha iyo dhaqanka.

“Cilmi baaris ay samaysay hay’adda UNDP ayaa lagu ogaaday in dhammaan qaybaha kala duwan ee haweenka Soomaaliyeed ay doonayaan in codkooda la maqlo, sidaa darteed waxaan ku faraxsannahay inaan taageerno Tartanka Gabayada Soomaalida iyo gaar ahaan qaybta lagu dhiiri- gelinayo dumarka,” ayuu yiri madaxa hay’adda UNDP, Jocelyn Mason. “Waxaa jira haween badan oo hibo u leh qoritaanka Af Soomaaliga, waxaan rajaynayaa inaan garab ku siino in codkooda la maqlo si ay u soo bandhigaan hammigooda, iyo dalabkooda ay ku doonayaan in la dhawro xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.”

Tartanku wuxuu qayb ka yahay barnaamijyada Hoyga Maansada ee ay taageerayso hay’adda UNDP si loo horumariyo suugaanta Soomaalida, xuquuqda haweenka iyo nabadaynta.

Horraantii sannadkaan ayaa la soo bandhigay bogga internetka ee Hoyga Maansada (www.hoygamaansada.com)

Bogga internetku wuxuu kaydiyaa gabayadii hore iyo kuwo cusub oo ay tiriyeen abwaanada jiilka cusub. Sido kale, waa bar lagu daabaco warar la xiriira gabayada, laguna soo bandhigo maqaallo, wareysiyo, bandhigyo islamarkaana aqoon laga kororsado. Hoyga Maansadu wuxuu qabanayaa munaasabado gaar ah wuxuuna shaqo gelinayaa abwaanada si ay u soo qoraan gabayo cusub oo loogu qabto bandhigyo iyo aqoon is-weydaarsiyo dhanka dhaqanka ah.

Previous Post

Kooxda Daalibaan oo codsatay ka qaybgalka shirarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Next Post

Wasiiradda Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kuwait oo kawada hadlay xiriirka labada dal

Next Post
Wasiiradda Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kuwait oo kawada hadlay xiriirka labada dal

Wasiiradda Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kuwait oo kawada hadlay xiriirka labada dal

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa hey’adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In