Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 9aad” Akhriso+Dhageyso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 8, 2016
in Maqaallo, Wararka, Wararka Raadiyahaa, Xulashada
0
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 8aad” Akhriso+Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Afti Qaran 25 Agoosto 1979 oo lagu ansixiyey Dastuurka Jamhuuriyadda

Demoqraadiga Soomaaliya

Muddo 3 sano gudahood waxaa lagu sameeyey Dastuurkii 1979 oo loo diray in shacbigu afti qaran ku ansixiyo. Arrimaha ugu muhiimsan ee Dastuurkan xeeriyey waxaa ka mid ah: – a) Nidaam xisbiyeedka: Xisbi keliya – Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliya (XHKS); (b) Nidaamka Jumhuriyaddain uu yahay Nidaam Madaxweynuhu yahay Madaxa Dawladda iyo Madaxa Laanta Fulinta oo Golaha Shacbku dooranayo.

Wadarta dadweynaha codeeyeye: 3.605.490

Natiijada Aftida Qaran

Tirada Codadka

U dhigma boqolkiiba

%

Codadka yiri: “Oggol”

3,597,592

99.78%

Codadka yiri: “Maya”

7,898

0.22%

Doorashadii Golaha Shacabka ee 30-kii Deseembar 1979

Ka dib markii Dastuurku ansax noqday 30 Diseembar 1979 waxaa la dhisay Golaha Shacbiga oo ku yimid nidaamka doorashada xisbiga keliya, kaas oo ahaa (XHKS), oo xilkiisa Sharcidejintu yahay muddo shan (5) sano.

Tirada Kuraasta Golaha Shacabku wuxuu ka koobna 177 xubin, oo lix ka mid ah uu soo magacaabayo Madaxweynaha sida ku cad Qodobka 61(4) ee Dastuurka 1979 oo xeeriyey: “Madaxweynaha JDS wuxuu magacaabi karaa xildhibaanno Golaha Shacabka ilaa Lix (6) qof oo laga dhex xulo dadka si gaarka ah ugu soocmay goobaha cilmiga, adabka iyo fanka, ama leh qiimo sare ee waddaninimo”,

Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ayaa liiska xildhibaanada uu soo xulay ubandhigay dadweynaha in ay ansixiyaan. Natiijadana waxay noqotay sidan

Tirada Codbixisay

Wadarta Cododka

3.985.838;

Tirada Codadka yiri: “Haa”

99.91%

Tirada Codadka yiri: “Maya”

0.09%

Guddoonka Golaha Shacbiga waxaa loo doortay M.ne Ismail Ali Aboukar oo xilkaas hayey 1980-1982 Ka dibna xilka ka degay, mudada xil haynta madasha ka harsaneyd waxaa loo doortay inuu dhameystiro M.ne Maxamed Ibrahim, “Liiq-liiqato”, 1983-1984.

Doorashadii Madaxweynahii 3-aad ee Jumhuuriyadda – 26kii Janaayo 1980

Sida waafaqsan Qodobka 80 (1) ee Dastuurkii 1979 Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa soo sharraxaya Golaha Dhexe ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed, Golaha Shacbiga ayaana dooranaya.

Golaha Shacabka Kulankiisa 26-kii Jannayo 1980 wuxuu Sareeye Gaas Maxamed Siyaad Barre, oo ahaa musharaxa keliya, si wadar oggol ah ayuu u doortay in uu noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Soomaaliya Muddo 6 Sano ah si waafaqsan qodobka 80 (4) ee Dastuurkii 1979.

Doorashadii Golaha Shacabka ee 31 Deseembar 1984

Nidaamka Doorashada: Xisbi keliya – Xisbiga keliya ee sharci ahaan ka jiray dalka wuxuu ahaa Xisbiga Hantiwadaagga Soomaaliya (XHKS). Xildhibaanada waxaa soo xulayey Golaha Dhexe ee Xisbiga Hantiwadaagga Soomaaliyeed (XHKS), deedna loo bandhigayey ansixinta dadweynaha. Muddada xilhanyta Golaha Sharcidejinta wuxuu ahaa shan (5) sano, Tirada Kuraasta Golaha Shacbigu wuxuu ka koobnaa 177 xubin, oo 6 xubin ka mid ah waxaa soo magacaabaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya, waxaana laga dhex xulo dadka si gaarka ah ugu soocmay goobaha cilmiga, adabka iyo fanka, ama leh qiimo sare ee waddaninimo, si waafaqsan Dastuurkii 1979. Natiijada codeynta dadweynaha waxay noqotay sidan:

Tirada

U dhigma boqolkiiba %

Tirada codbixiyeyaasha diiwaangashan:

4.220.466

Wadarta dadka codeeyey:

4.214.667

99.9%

Wadarta codadka xumaaday:

1.990

Wadarta Codadka ansaxay:

4,212,677

Codadka yiri: “Haa”

4,207,977

99.89%

Tirada Codadka yiri: “Maya”

4,700 

0.11%

Waxaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka loo dortay M.ne Maxamed Ibrahim, “Liiq-liiqato”, 1984-1988,

Doorashadii Madaxweyne Jamhuuriyadda la qabtay 23-ka Diseembar 1986

Isbeddellada cusub lagu sameeyey nidaamka madaxtooyada dawladda waxaa ka mid ahaa (a) in doorashada Madaxweynuhu laga dhigo mid dadweynaha toos usoo dooranayo uuna noqdo Madaxa Dawladda iyo Madaxa Xukuumadda halkii markii hore uu ahaa mid Baarlamaani ah oo Golaha Shacbigu dooran jiray; (b)in muddaxilhayntiisu laga dhigo toddoba (7) sano halkii markii hore uu ahaa lix (6) sano. Doorashadan waxaa la qabtay 23-kii Diseembar 1986, Musharraxa keliya doorashada usoo istaagayna wuxuu ahaa Sareeye Gaas Maxamed Siyaad Barre, oo ma jirin mucaarad iska garab-sharraxday. Natiijadii codeynta dadweynuhuna wuxay noqotay sida

Tirada Codbixisay

U dhigma boqolkiiba %

Tirada Codadka Ansxay:

4.889.078;

Tirada Codadka yiri: “Haa”

4.887.592

99.97%

Tirada Codadaka yiri: “Maya”

1.486

0.03%

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/11/Qeybta-9aad.mp3

La Soco Qeybta 10aad Insha Allah

Previous Post

Kismaayo iyo Baydhabo oo lagu soo gabagabeeyay wajigii 1aad doorashada Aqalka hoose

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo bogaadiiyey doorashooyinka ka bilowday Kismaayo iyo Baydhabo

Next Post
Madaxweynaha Soomaaliya oo bogaadiiyey doorashooyinka ka bilowday Kismaayo iyo Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya oo bogaadiiyey doorashooyinka ka bilowday Kismaayo iyo Baydhabo

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In