Monday, December 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tirada Saxafiyiinta ku dhintay duqeymaha Isra’iil ay ka waddo Qaza oo sii kordhay

caqiil by caqiil
2 years ago
in Wararka
0
Tirada Saxafiyiinta ku dhintay duqeymaha Isra’iil ay ka waddo Qaza oo sii kordhay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska midowga warbaahinta marinka Qaza ayaa goordhaw ku dhawaaqay geerida labo Wariye oo uu ka mid yahay wiil uu dhalay Madaxa Xafiiska Al Jazira Waa’il Al-Daxduux, kadib duqeyn ay Ciidamada Israa’iil ka geysteen magaalada Khan Yoonis ee koonfurta marinka Qaza, taasoo tirada Saxafiyiinta ku geeriyooday duulaan Isra’iil ay ka waddo dhulka Falastiin ka dhigeyso 109 Wariye.

Wariye lagu magacaabo Xamza oo uu dhalay Madaxa Xafiiska Al Jazira ee Marinka Qaza Waa’il Al-Daxduux oo dhawaan qudhiisa ku dhaawacmay duqeeymo halkaas ka dhacay iyo Mustafa Thuraya ayaa goordhaw ku geeriyooday duqeyn ay Israa’iil kula beegsatay Galbeedka magaalada Khan Yoonis ee Koonfurta Marinka Qaza.

Related posts

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025

Duqeynta ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen Saxafiyiintan  oo marayay agagaarka degaanka Al-Mawaasi oo dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan Marinka Qaza, xilli ay ku guda jireen howl maalmeedkooda.

Xafiiska midowga warbaahinta Qaza, ayaa ugu baaqay dhamaan ururada saxaafada, kooxaha xuquuqul insaanka iyo hay’adaha sharciga in ay cambaareeyaan fal dambiyeedkan soo noqnoqday, waxa kale oo ay ku baaqeen in cadaadis lagu saaro Isra’iil joojinta dagaalka xasuuqa ah ee lagu hayo dadka rayidka ah ee ku sugan Marinka Qaza.

Previous Post

Doorashada madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland oo maanta ka dhacaysa Garoowe

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh “Wixii ka dhacay 1-dii bishaan Addis Ababa waxa uu ahaa duulaan qaawan”

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh “Wixii ka dhacay 1-dii bishaan Addis Ababa waxa uu ahaa duulaan qaawan”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Wixii ka dhacay 1-dii bishaan Addis Ababa waxa uu ahaa duulaan qaawan”

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo ka dhacay...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta isbitaalka Digfeer ku booqday dadkii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In