Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka JSP oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Ururka JSP  oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin ka tirsan hoggaanka sare ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), xubno isugu jira Xildhibaanno, Wasiirro, Sanatarro, iyo masuuliyiin ka socday maamulka Gobolka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo ayaa galabta ka qeyb galay munaasabadda xarig-jarka xarunta cusub ee ururka oo laga hirgeliyey magaalada Gaalkacyo.

Furitaanka xaruntan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada uu Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ku xoojinayo abaabulkiisa siyaasadeed iyo sidii uu u kasban lahaa kalsoonida shacabka ku nool magaalada Gaalkacyo iyo deegaannada ku xeeran.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Mas’uuliyiintii munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay in xaruntan ay noqon doonto meel lagu mideeyo taageerayaasha ururka, laguna dardargeliyo howlaha siyaasadeed iyo wacyigelinta bulshada.

Sidoo kale, waxaa la qorsheeyay in caawa magaalada Gaalkacyo lagu qabto munaasabad ballaaran oo si rasmi ah loogu daahfurayo ololaha doorashada ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), iyadoo la filayo inay ka soo qeyb galaan madaxda ururka, taageerayaal, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ururka JSP ayaa maalmahan waday dadaallo lagu ballaarinayo taageeradiisa, iyadoo furitaanka xaruntan cusub uu qeyb ka yahay qorshaha lagu xoojinayo joogitaankiisa siyaasadeed iyo ka qeybgalka geeddi-socodka doorashooyinka.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

Next Post

Ciidamada amaanka Beladweyne oo ka hortegay fal argagixisanimo

Next Post
Ciidamada amaanka Beladweyne oo ka hortegay fal argagixisanimo

Ciidamada amaanka Beladweyne oo ka hortegay fal argagixisanimo

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In