Wednesday, December 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Wadahadalladii Militariga iyo Hamdok oo heer wanaagsan maraya

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Caalamka
0
Wadahadalladii Militariga iyo Hamdok oo heer wanaagsan maraya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wadahadallo u dhexeeya Ra’iisul wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok iyo hoggaamiyeyaasha afgambigii millatari ee 25 October ayaa horumar laga sameeyay, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay ilo ku dhow Hamdok.

Il-wareed labaad ayaa sheegay in Sudan ay dhawaan dhisi karto gole cusub oo maamul kaasi oo ka koobnaan doona 14 xubnood, waxayna noqoneysaa tallaabadii u horeysay ee militariga ee ku aadan dhismaha hay’addo cusub oo ku meel-gaar ah.

Related posts

KULANKA XOGHAYAASHA BAARLAMAANKA CARABTA OO TAAGEERAY MADAX BANAANIDA DHULEED EE JAHMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA.

KULANKA XOGHAYAASHA BAARLAMAANKA CARABTA OO TAAGEERAY MADAX BANAANIDA DHULEED EE JAHMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA.

January 13, 2024
Cabdiqaasim Salaad Xasan ”Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya heshiisna lama gali karo dal sida Ethiopia“.

Cabdiqaasim Salaad Xasan ”Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya heshiisna lama gali karo dal sida Ethiopia“.

January 12, 2024

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Khamiistii la hadlay madaxa ciidamada Abdel Fattah al-Burhan, isagoo ku booriyay in uu soo celiyo dastuurkii dalkaasi, iyo hannaankii KGM ahaa.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken iyo Burhan oo Khamiistii wadahadal ku yeeshay telefoonka ayay isku raaceen baahida loo qabo dardargelinta dhismaha dowlad, sida uu sheegay xafiiska Burhan

“Labada dhinac ayaa isla gartay in loo baahan yahay in la ilaaliyo tubta kala guurka ah ee dimoqraadiyadda, dhameystirka haykalka KMG ah iyo in la dardargeliyo dhismaha dowlad” ayuu xafiiska Burhan ku yiri qoraal uu soo saaray.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Blinken uu ku booriyay Burhan in si degdeg ah loo sii daayo dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee xiran tan iyo afgenbigii militari, iyo in ay dib “ugu soo laabtaan wadahadal ah in shaqadiisa uu ku soo laabto Ra’iisul Wasaare Hamdok, dibna loo soo celiyo maamulkii ay rayidku hoggaaminayeen ee Sudan.”

Qaramada Midoobay ayaa isku dayeysay in ay dhexdhexaadiso sidii loo soo afjari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay afgambigii lagu xiray siyaasiyiintii ugu sarraysay ee rayidka ah, iyadoo Xamdook-na la geliyay xabsi guri.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Sudan, Volker Perthes, ayaa sheegay in wada-hadallada ay ka soo baxeen qodobbada heshiis suurtagal ka dhigaya in dib loogu laabto awood qaybsigii, oo ay ku jirto in ra’iisulwasaarihii la riday howshiisa sii wato.

Previous Post

Wasaaradda Diinta ee XFS oo 3-qodob ka soo saartay baneysiga dhiigga Islaamka ee Nabadiidka Al-Shabaab 

Next Post

Wasiiru dowlaha Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Soomaaliya oo soo dhaweyn loogu sameeyay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post
Wasiiru dowlaha Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Soomaaliya oo soo dhaweyn loogu sameeyay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Wasiiru dowlaha Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Soomaaliya oo soo dhaweyn loogu sameeyay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo soo bandhigay natiijada kuraasta la kala helay

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo soo bandhigay natiijada kuraasta la kala helay

December 30, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa ku dhawaaqay natiijada guud ee kuraasta ay kala heleen 20-ka urur...

Ciidamada Xoogga Dalka oo jab xoggan gaarsiiyay Khawaarijta Gobolka Sh/Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka oo jab xoggan gaarsiiyay Khawaarijta Gobolka Sh/Hoose

December 30, 2025
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor iyo Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda Qaranka, oo dhawaan la wareegay deegaannada Gendershe iyo...

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo Istanbuul ku soo bandhigay guusha sahminta Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee dalkeenna

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo Istanbuul ku soo bandhigay guusha sahminta Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee dalkeenna

December 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa...

Somali President briefing on mutual relationship between Somalia and Turkey

Somali President briefing on mutual relationship between Somalia and Turkey

December 30, 2025
0

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kuwa doonaya inay ku xadgudbaan madax-banaanideena nagama hor istaagi karaan inaan ka faa’iideysano kheyraadkeena, dadka Soomaaliyeed waxaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In