Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jubbaland oo kormeer ku tagay deegaanka Goobweyn

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jubbaland oo kormeer ku tagay deegaanka Goobweyn
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ay ka mid yihiin Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Xukuumadda Federaalka Eng; Saadaq C/llaahi Cabdi,Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya olgan bakar, Xog-hayaha Guud ee Dawladaha Hoose ee dalka Turkiga Mudane Hayrettin Gungor ayaa maanta oo isniin ah kormeer ku tagay deegaanka Goobweyn ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ujeedka Kormeerka Wafdiga ay ku deegaanka Goobweyn ayaa ahaa sidii ay u soo indha idheyn lahaayeen Xaaladda guud ee deegaanka iyo suurta galnimada fursadaha maalgashi ee lagu sameyn karo.

Related posts

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjiye olgan bakar iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa kullamo la qaatay madaxweynaha Dowladda Goboleedka Jubbaland Axmed madoobe,iyagoona ka wada hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Horumarinta,kobaca dhaqaalaha iyo Ganacsiga iyo sidii mashaariic looga fulin lahaa deegaanada Jubbaland.

Kullanka madaxweynaha Dowlada Goboleedka Jubbaland Iyo Safiirka Turkiga waxa qeyb ka ahaa wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska dalka Eng: Saadaq C/llaahi Cabdi,Guddoomiyaha Barlamaanka jubbaland iyo xubno kale oo katirsan Dowlada Soomaliya .

Xubnihii uu hogaaminayay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa si aad ah ula dhacay qorshaha Jubbaland ay soo bandhigtay ee ku aadan maalgashiga.

Ugu danbeyntii,madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku dhiira geliyay cid kasta oo dooneysa iney maalgashato deegaanada Jubbaland,wuxuuna carabka ku adkeeyay iney balan qaadayaan sugida amnigooda.

Previous Post

Ra’iisal wasaare Kheyre” Taliyeyaasha cusub iyo Anagaba waxaan isku ognahay in Arrimaha Koowaad ay yihiin Amniga”

Next Post

Afar Qof oo ku dhimatay dab ka kacay dhismo Ganacsiga oo ku yaallo dalka Ingiriiska

Next Post
Afar Qof oo ku dhimatay dab ka kacay dhismo Ganacsiga oo ku yaallo dalka Ingiriiska

Afar Qof oo ku dhimatay dab ka kacay dhismo Ganacsiga oo ku yaallo dalka Ingiriiska

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Somalia Defence Minister Visits AUSSOM Sector 3

April 6, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, visited the headquarters of Sector 3...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqday xarunta Qaybta 3aad ee Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo miino baaris ah ka sameeyay deegaanka Gololey

SNAF Clears IED in Gololey

April 6, 2026
0

The Somali National Armed Forces (SNAF) conducted a mine clearance operation today in the Gololey area, located in Balcad town...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In